Arsenal ayaa kulan adag qoorta loo geliyay wareega 8da Champions League iyagoo ku aaday Bayern Munich, laakiin waxa ay durba heystaan faa’ido weyn kulanka lugta hore ee Emirates.
Gunners ayaa Bayern Munich ku soo dhaweyn doonta Emirates Stadium lugta hore ka hor inta aysan lugta labaad booqanin Munich.
Si kastaba, kooxda Jarmalka taageerayaal marti ah kuma lahaan doonto Emirates lugta hore ka dib markii UEFA ay taageerayaashooda hal kulan ka mamnuucday horaantii todobaadkan ka dib dhibaato ay geysteen.
Intii ay socotay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Lazio lugtii hore ee wareega 16ka, taageerayaasha soo safray ee Bayern Munich ayaa walxo holcayo ku dhex tuuray garoonka.
Waxay taasi keentay in UEFA ay hal kulan ka ganaaxdo taageerayaashooda garoonka, waxaana kulankaas uu noqday kulanka ay u safrayaan Arsenal lugta hore ee wareega 8da Champions League.
Waxay tani fursad u tahay kooxda Mikel Arteta oo garoonka Emkrates ay u camiri doonaan kaliya taageerayaashooda kulanka lugta hore.
Taageerayaasha waa qeyb ka mid ah ciyaarta, waxayna gubaabo u yihiin ciyaartoyda taasoo ka dhigeysa Bayern Munich inaysan wax gubaabo ah heli doonin kulanka Emirates Stadium.
Haddii Arsenal ay u gudubto semi-finalka Champions League, waxay ku dhici doonaan midkood Real Madrid ama Manchester City.