RASMI: Chelsea Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxeexa Gool-dhaliye Ka Farxiyey Thomas Tuchel

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa weeraryahan qalink ku duugay shan sannadood oo uu ka ciyaari doono garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta inay hesho ciyaartooyo afka hore oo ku fiican dhalinta goolasha, waxaana lala xidhiidhinayaa Erling Haaland iyo Robert Lewandowski, hase yeeshee waxay maanta xaqiijisteen in ay gacanta ku dhigaan mustaqbalka dhaliye dabiici ah oo xilli ciyareedkii hore saxeexay 10 gool.

Broja

Armando Broja ayay Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah, isagoo ka yimid kooxda reer Netherlands ee Vitesse oo uu xilli ciyaareedkii hore ugu maqnaa amaah.

Laacibkan oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yarta Chelsea ee kasoo baxay kulliyadda ayaa shalay dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay ku karbaasheen Peterborough United, halka uu sidoo kalena ka shaqeeyey mid ka mid ah gooalshii uu dhaliyey Hakim Ziyech.

Broja ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa ka sokow tobanka gool ee uu ka dhaliyey horyaalka Eredivisie ee waddanka Netherlands waxa kale oo uu ka shaqeeyey 11 gool oo kale oo uu caawiye ka noqday, taas oo ka dhigaysa tirada goolasha uu ku lug yeeshay 21 gool, halka ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Chelsea xilli ciyaareedkii hore uu saxeexay 12 gool oo kaliya, isla markaana aanay jirin cid caawintan oo kale samaysay.

Kaddib bixitaankii Olivier Giroud oo u wareegay AC Milan, Broja ayaa fursad ka heli doona kooxda haddii aanu imanin weeraryahan kale oo ku cidhiidhya fursadaha.

Chelsea ayaa waxay dhowaanahan ku hawlanayd sidii ay heshiisyo cusub uga saxeexi lahayd ciyaartoydeeda da’yarta, waxaanay hore u xaqiijisay saxeexyada Tino Livramento, Lewis Bate, Myles Peart-Harris iyo Dynel Simeu.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*