Xiddiga amaahda ku jooga Nottingham Forest Gonzalo Montiel ayaa lagu amray inuu ku laabto Argentina si dhimirkiisa loo baaro ka dib markii lagu eedeeyay inuu kufsi geystay.
Dhacdada oo dhexmartay xiddiga koobka Adduunka ku guuleystay oo 27 sanno jir ah iyo gabar moodal ah ayaa dhacday maalintii dhalashadiisa ee 1da bisha Janaayo 2019, markaasoo uu u ciyaarayay kooxda River Plate.
Montiel oo saaxiib la ah Alexis Acosta oo isna baaris ay ku socoto ayaa lagu eedeeyay inuu daroogeeyay islamarkaana kufsaday gabadha.
Gabadha dhibanaha ah ayaa sidoo kale sheegtay inay habjabaad kala kulantay ciyaaryahanka qaraabadiisa iyo asxaabtiisa ka dib dhacdada.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Argentina, Montiel oo beeniyay eedeymaha loo heysto ayaa lagu amray inuu ku laabto Argentina si dhakhtar dhimirka uu u baaro inta u dhaxeysa 17ka September iyo 20ka September ee sannadkan.
Acosta ayaa isna la baari doonaa inuu miyir qabo inta u dhaxeysa 2da ilaa 5ta September.
Montiel oo amaah ku jooga Nottingham Forsest ayaa dib ugu laaban doona kooxda Sevilla dhamaadka xilli ciyaareedkan.