Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa kulan muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League waxay caawa ku ciyaarayaan garoonka Emirates Stadium, waa kulan dhexmaraya kooxda kaalinta 1aad iyo kooxda kaalinta 4aad.
Haddii ay Arsenal badiso waxay shan dhibcood ka sareyn doontaa kooxda kaalinta labaad ee Man City oo ka badineysa Wolves laakiin Gunners kulan ay u sii harsanaanaya.
Haddii Man United ay badiso waxay seddex dhibcood ka danbeyn doonaan kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.
Manchester United waxaa ka maqan xiddigii udub dhexaadka u ahaa Casemiro oo ganaax ku seegaya kulankaan, waxaa sidoo kale dhaawac ka ah Anthony Martial iyo Diogo Dalot halka Jadon Sancho uusan weli ciyaareynin inkastoo uu tababarka ku soo laabtay.
Tababare Ten Hag ayaa ku soo bilaabay mar kale Weghorst iyadoo McTominay uu buuxinayo booska Casemiro.
Tababare Arteta ayaa kursiga keydka ku soo bilaabay saxiixa cusub Trossard halka Gabriel uu ku soo laabtay booskiisa daafaca dhexe isagoo ka garab ciyaaraya Saliba.
Arsenal waxaa ka maqan Gabriel Jesus oo weli dhaawac ah halka Riess Nelson uu dhaawac isna qabo laakiin waxaa keydka fadhiya Mohamed Elneny oo ka soo kabsaday jug yar.
Arsenal: Ramsdale, White, Saliba, Gabriel, Zinchenko, Partey, Xhaka, Odegaard, Saka, Martinelli, Nketiah
Keyd: Turner, Tierney, Smith Rowe, Holding, Tomiyasu, Vieira, Lokonga, Marquinhos, Trossard
Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw, McTominay, Eriksen, Fernandes, Antony, Rashford, Weghorst
Keyd: Heaton, Lindelof, Maguire, Malacia, Fred, Pellistri, Elanga, Garnacho, Mainoo