Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ronaldo Nazario Oo Shaaciyey Tababaraha Uu La Doonayo In Loo Magacaabo Xulka Brazil

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
Ronaldo Nazario Oo Shaaciyey Tababaraha Uu La Doonayo In Loo Magacaabo Xulka Brazil

Halyeyga Brazil ee  Ronaldo Nazario ayaa magacaabay tababaraha uu la doonaayo in loo dhiibo oo uu layliyo xulka qaranka dalkiisa ee uu toddobaadkan horraantiisii iska casilay Tite, kaddib markii ay wareegga siddeedda kaga hadheen Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Tite oo ahaa tababaraha Brazil lix sannadood iyo badh ayaa ka dhabeeyey ballantiisii ahayd inuu ka tegayo shaqada marka uu dhamaado Koobka Adduunku, waxaana hadda uu xidhiidhka kubadda cagta Brazil raadinayaa tababare khibrad iyo sumcad leh.

Ronaldo oo ka mid ahaa xiddigihii xulka Brazil u qaaday Koobkii Adduunka 2002, ayaa waxa rikoodheyaal kaga badisay Croatia, waxaanay taasi soo afjartay filashadii ahayd in ay 20 sannadood kaddib ku guuleystaan koobka.

Brazil

ADVERTISEMENT

R9 ayaa rumaysan in loo baahan yahay in xulka loo dhiibo tababare ajaanib ah oo aan u dhalanin Brazil, waxaana uu miiska soo dhigay dhawr tababare oo khibrad badan oo reer Yurub.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Warbaahinta ayaa maanta tabinaysay in xidhiidhka kubadda cagta Brazil doonayo Pep Guardiola, laakiin Ronaldo wuu kaga aragti duwan yahay, waxaana uu usoo jeediyey in ay xulka u dhiibaan Jose Mourinho, waxaanu yidhi: “Waxa jira magacyo badan oo cajiib ah oo ku fiicnaan lahaa xulka  Brazil. Carlo Ancelotti, Abel Ferreira oo ah tababaraha Palmeiras, Jose Mourinho oo ah macallinka Roma iyo kuwo kale.

“Waa tababareyaal cajiib ah, dhamaantoodna qandaraasyo ayay ku jiraan. Ma garanayo waxa uu xidhiidhka Brazil samayn doono, laakiin anigu fikir ahaan waxa aan taageereyaasha macalin ajaanib ah.

“Iima muuqdaan dookhyo badan oo reer Brazil. Waxa aan odhan lahaa Fernando Diniz [tababaraha Fluminense] ayaa ka mid ah magacyada Btababareyaasha reer Brazil ee aan jecelahay, laakiin ka hor inta aanay CBF shaacin magacyadooda, waa inay eegaan dookyada.”

Ronaldo Nazario ayaa waxa uu xusay in Jose Mourinho loo dhiibo xulka Brazil, waxaana isaga oo sababaynaya uu yidhi: “Tan iyo 2002 xulku waxba kuma guuleysanin, waxa la joogaa waqtigii ku habboonaa ee la qaadan lahaa khatarta iyo ikhtiraaca, wax cusubna la keeni lahaa xulka.

ADVERTISEMENT

“Anigu wax dhibaato ah uma arko haddii shaqada loo dhiibo tababare aan reer Brazil ahayn, waliba waan taageereyaasha. Go’aanka waxa iska leh CBF balse waxa aan rajaynayaa in uu noqdo Jose Mourinho.”

 

 

Share428Tweet267
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.