Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa ka hadlay wararka sheegaya in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay doonayso garabka weerarka United ee Alejandro Garnacho, isla markaana uu laacibkani ku riyoonayo inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu.
Sir Jim Ratcliffe oo horraantii sannadkan iibsaday 25% saamiga Manchester United, isla markaana maamulka kooxda ay ku wareejiyeen qoyska reer Glazer, ayaa iska leh go’aamada ciyaareed ee naadiga, sida ciyaartoyda la iibinayo, kuwa la keenayo, magacaabista tababareyaasha iyo heshiisyada kala duwan ee ay kooxdu gelayso.
Bilyaneerkan ayaa dhaxlay koox ay horyaalka ugu dambaysay sannadkii 2013 oo uu Sir Alex Ferguson usii qaaday Premier League waqtigii uu ka fadhiisanayay shaqada, balse intii ka dambaysay noqotay naadi koobabka ka caaggan.
Xilli-ciyaareedkan, waxa Man United usoo baxay labada da’yar ee Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho oo bandhig heersare ah ka samaynaya kooxda koowaad, iyaga oo si joogto ah uga mid noqday shaxda koowaad.
Garnacho ayaa isagu booska ka riixday Antony oo noqday ciyaartoy kayd ah, waxaana uu xilli-cyaareedkan dhaliyey shan gool iyo saddex kale oo Premier League ah oo uu caawiyey, laakiin usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa waxa soo baxayay warar sheegaya in laacibkani uu doonayo inuu tago Real Madrid, isaga oo raacaya raadka ciyaartoyga uu taageero ee Cristiano Ronaldo.
Si kastaba ha ahaatee, Sir Jim Ratcliffe oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay in aanay marnaba iibinayn Alejandro Garnacho, isla markaana uu qayb weyn ka yahay qorshaha mustaqbalka ee kooxda.