Arsenal ayaa guul-darro xun kala kulmi doonta ciyaarta Manchester City ay ku booqan doonto garoonka Etihad Stadium maalinta Axadda, laakiin labadooda midkoodna ma awoodi doonaan inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan socda.
20 sannadood ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee ay Arsenal ku guuleysato horyaalka Premier League oo ahayd sannadkii 2004, halka Manchester City ay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey qaadday oo ay markii afraad oo xidhiidh ah ku dagaallamayso.
Horyaalka Premier League oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, ayaa Arsenal ay hogaanka ku haysaa farqi goolal ah oo ay ka horreyso Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, laakiin waa kooxda ay naadiyada ugu badan ee waaweyn u hadhsan yihiin sida Man City, Chelsea, Man United iyo Tottenham oo dhamaantood ay Arsenal waajihi doonto tobanka ciyaarood ee hadhsan, waxaana sidoo kale u raacda Aston Villa oo kaalinta afraad ku dagaallamaysa.
Halyeygii Liverpool iyo xulka qaranka England ee Peter Crouch oo ka hadlay ciyaarta Axadda ayaa waxa uu sheegay in Manchester City ay karbaashi doonto Arsenal, laakiin labadooduba ay xilli-ciyaareedkan waayi doonaan horyaalka, waxaana uu koobka siiyey kooxdiisii hore ee Liverpool.
Peter Crouch oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Markii uu xilli-ciyaareedku bilaabmay ayaan sheegay in ay Liverpool ku guuleysanayso, laakiin dad badan ayaa igu tilmaamay inaan dhinac u janjeedho.
“Arsenal waxa ay haysataa ciyaartooyo dib usoo celiyey hankii kooxdooda, laakiin way iska caddahay in Manchester City ay tahay kooxda guusha u hdow marka loo eego taariikhdoodii hore. Waad odhan kartaa in uu horyaalku yahay laba faras oo is-eryanaya, laakiin Arsenal ayaa dib usoo laabatay oo isku soo dhax-dartay tartanka.
“Anigu kaliya waxa aan ka fikirayaa tirada kulamada ay ciyaareen oo ay si qanaaco leh u guuleysteen, waxaana dhacay dhaawacyo horyaalka u rogay mid ay saddex faras isku-eryanayaan.”
Intaas kaddib waxa uu Peter Crouch u galay saadaasha horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan ku dhegsanaanayaa Liverpool oo aan leeyahay way ku guuleysanayaan; wali waxay ila tahay in ay ku guuleysan karayaan.”