Goolhaye Ederson ayaa wajahaya dagaal adag si uu taam ugu noqdo kulanka muhiimka ah ee ay Manchester City la ciyaareyso Arsenal dhamaadka bishaan.
Goolhayaha reer Brazil ayaa dhaawac uu ka soo gaaray muruqa bowdada xilli uu rigoore ku galay Darwin Nunez kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee ay la ciyaareen Liverpool Axadii.
Baaritaankii hordhaca ahaa ee lagu sameeyay shalay oo Isniin aheyd ayaa muujinaya inuu garoomada ka maqnaan doono seddex ilaa afar todobaad.
Taasoo la micno ah inuu halis weyn ugu jiro inuu seego kulanka Arsenal ee 31ka bishaan Maarso iyo kulanka kooxda kalinta afaraad ee Aston Villa oo seddex maalmod ka dib la ciyaarayo.
Laakiin Pep Guardiola ayaa rajeynaya in goolhayihiisa koowaad uu u soo laabto kulanka wareega sideed dhamaadka Champions League ee bilowga April.
Warkaan wuxuu sidoo kale niyadjab ku yahay Ederson kaasoo aan sidoo kale awoodi doonin inuu u ciyaaro xulka Brazil kulanka saaxiibtinimo ay Wembley kula ciyaarayaan England bishaan.
Madaama goolhayaha Liverpool Alisson uu dhaawac ku maqan yahay, Ederson ayaa rajeynayay inuu xajisto booskiisa xulka Brazil kulamada saaxiibtinimo ee England iyo Spain.
Tababare Guardiola ayaase kalsooni weyn ku qaba goolhayihiisa labaad Stefan Ortega kaasoo si fiican u ciyaaray markii uu bedelay Ederson kulankii Anfield.
Goolhayaha Jarmalka ayaana filanaya inuu ku soo bilowdo mar kale shaxda Manchester City.