Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxda ciyaartoydii todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League, laakiin Arsenal oo guul weyn gaartay xalay waxay shaxda ku leedahay kaliya hal xiddig.
Liverpool oo guul soo daahday ka gaartay Nottingham Forest ayaa seddex xiddig ku leh shaxda isbuuca iyadoo goolka uu ku jiro Kelleher oo badbaadino fiican sameeyay mar kale, daafaca Van Dijk oo kooxiisa ka caawiyay inay shabaqa ilaashato ayaa isna ku soo baxay shaxda isbuuca halka Mac Allister oo wacdarro ka dhigay khadka dhexe islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii uu Nunez dhaliyay waqtiga dhimashada uu ka soo muuqday shaxda isbuuca.
West Ham oo 3-1 uga badisay Everton ayaa shaxda isbuuca ku yeelatay labo ciyaaryahan oo kala ah daafaca Zouma oo shabaqa soo taabtay iyo si la mid ah xiddigii kale ee goolka dhaliyay ee khadka dhexe Soucek.
Seddexda daafaca danbe waxaa dhameystiraya daafaca Tottenham Van de Ven kaasoo qeyb libaax leh ka qaatay guushii ay ka gaareen Crystal Palace halka khadka dhexe ay dhameystirayaan kabtanka Arsenal Odegaard oo ahaa xiddiga garoonka kulankii ay 6-0 ku xasuuqeen Sheffield United, waxaana kula wehliya xiddiga Fulham Wilson oo gool u dhaliyay kooxdiisa guushii ay ka gaaren Brighton.
Weerarka waxaa hogaaminaya xiddigii labada gool ka dhaliyay Man United ee Phil Foden, waxaa kula wehliya xiddigi goolka quruxda badnaa ee laba lugaaleyda ahaa ka dhaliyay Chelsea ee Wissa kulankii barbaraha ku dhamaatay ee Brentford. Waxaana shaxda dhameystiraya xiddiga Aston Villa Watkins oo labo gool dhaliyay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Luton Town.