Paris Saint-Germain iyo Manchester United ayaa ugu cadcad saxiixa xiddiga sida weyn loogu tartamayo ee Napoli Victor Osimhen xagaagan, iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay wacdarro ka dhigaan suuqa kala iibsiga, sida ay qortay jariirada The Independent.
Xiddiga reer Nigeria ayaa ka mid noqonaya sheekooyinka ugu waa weyn suuqa kala iibsiga ee xagaaga iyadoo qandaraaskiisa Napoli lagu burburin karo 110 milyan euro.
Xagaagii hore kooxo badan ayaa ku guuldareystay inay la wareegaan xiddiga Napoli iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay si gaar ah u xiiseynayeen, laakiin xaalada ayaa haatan isbedeshay iyadoo PSG iyo Man United ay yihiin kooxaha ugu cadcad inay gacanta ku dhigaan xiddigaan.
Madaama uu Sir Jim Ratcliffe qeyb ka noqday milkiilayaasha kooxda Old Trafford ka dhisan, waxay durba diirada saarayaan saxiixyo cusub, isagoo doonaya inuu gabi ahaanba kooxda isbedel ku sameeyo.
Inkastoo Man United aysan dooneynin inay lacago xad-dhaaf ah ka bixiso ciyaartoy cusub hadana lacagta 110ka milyan euro waa mid uu u qalmo Osimehen madaama uu yahay kaliya 25 sanno jir leh tayo aad u sareysa.
Dhanka kale, PSG ayaa raadineysa bedelka Kylian Mbappe kaasoo la filayo inuu xagaaga si xor ah ugu biiro Real Madrid. Inkastoo madaxda PSG ay doonayaan inay bedelaan qorshahooda oo ay diirada saaraan akadeemigooda hadana waxay u baahan yihiin xiddig weyn oo hogaamiya kooxda, waxayna u arkaan inuu booskaas buuxin karo Osimhen.