Lugta hore ee semi-finalka Champions League ayay ciyaarayaan Real Madrid iyo Bayern Munich oo garoonka Allianz Arena ku kala calaf-qaadi doona, waxaana labada kooxoodba ay lasoo shir tageen shaxahoodii ugu cuslaa ee ay heli karayeen.
Bayern Munich waxa taam u noqday oo ugu soo bilowday Musiala iyo Konrad Laimer oo kasoo kabtay dhaawacyo, halka Real Madrid uu ganaax kaga maqan yahay difaaca reer Spain ee Dani Carvajal oo uu beddelay Lucas Vazquez.
Thomas Tuchel ayaa weerarka kooxdiisa kusoo bilaabay Harry Kane oo ay dhinacyada ka taageereyaan Guerreiro iyo Leroy Sane, halka khadka dhexena ay Jamal Musiala ku wehelinayaan Leon Goretzka iyo Konrad Laimer.
Difaaca dhexe ayaa waxa dib ugu soo laabtay Kim Min-jae oo ka garab ciyaaraya Erik Dier, waxaana labada dhinaca kala taagan Joshua Kimmich iyo Mazraoui.
Carlo Ancelotti oo isagna mar sii horreysay shaxdiisa shaaciyey, ayaa sidii la filayey weerarka ku mideeyey labada laacib ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes oo uu dhexda ka caawinayo Jude Bellingham, waxaana kasii dambeeya Toni Kroos, Aurelien Tchouameni iyo Fede Valverde.
Difaaca dhexe waca ka wada ciyaaraya Nacho Fernandez iyo Antonio Rudiger oo ay dhinacyada ka xigaan Ferland Mendy iyo Lucas Vazquez.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Bayern Munich XI: Manuel Neuer; Joshua Kimmich, Eric Dier, Kim Min-jae, Mazraoui; Konrad Laimer, Leon Goretzka; Leroy Sané, Jamal Musiala, Guerreiro; Harry Kane.
Kaydka: Upamecano, Gnabry, Choupo-Moting, Zaragoza, Peretz, Davies, Guerreiro, Ulreich, Tel, Pavlovic.
Real Madrid XI: Lunin, Lucas, Rudiger, Nacho, Mendy, Valverde, Tchouameni, Kroos, Bellingham, Rodrygo, Vinicius Junior.
Kaydka: Courtois, Eder Militao, Modric, Camavinga, Joselu, Ceballos, Garcia, Diaz, Guler, Arrizabalaga.