Ciyaartoyda Bayern Munich iyo Arsenal ayaa ku sugan gudaha garoonka Allianz Stadium, halkaas oo Thomas Tuchel iyo Mikel Arteta ay ku kala calaf-qaadayaan lugta labaad ee wareegga siddeedda tartanka Champions League.
Arsenal ayaa dib u heshay kabtankeeda Martin Odegaard oo kasoo kabtay jug kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa, waxaana uu khadka dhexe kula soo bilowday Declan Rice iyo Jorginho, halka Kai Havertz uu hoggaaminayo weerarka oo uu booska kala baxay Gabriel Jesus, iyadoo labada dhinac ay ka xigaan Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli.
Difaaca dhexe ee Arsenal waxa is-garabsanaya William Saliba iyo Gabriel Magalhaes, iyadoo Takehiro Tomiyasu uu booska difaaca bidix ka riixday Oleksandr Zinchenko balse uu Ben White booskiisa xajistay.
Bayern Munich waxa uu tababare Thomas Tuchel soo qaddimay labada bidixle ee Mazroaoui iyo Guerreiro oo uu is-daba dhigaysi ay u xakameeyaan Bukayo Saka, waana sidii aanu maanta wararkayagii idiinku sii sheegnay.
Leroy Sane ayaa taam noqday oo weerarka kala ciyaaraya Harry Kane, halka Guerreiro uu garab bidix ka ciyaarayo, sidoo kalena uu caawinayo difaaca booskaas.
Khadka dhexe ayaa waxa ku midaysan Leon Goretzka, Laimer iyo Jamal Musialla, halka difaaca dhexena ay De Ligt iyo Eric Dier ka dheelayaan.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood