Arsenal ayaa seddex dhibcood oo nadiif ah hogaanka uga qaban doonta Liverpool haddii ay Emirates Stadium caawa uga badiyaan Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Tababaraha Gunners ayaa dib ugu soo yeeran kara shaxdiisa seddex ciyaaryahan iyadoo kooxda reer London ay ciyaareyso kulankoodii lixaad ee 21 maalmood gudaheed.
Zinchenko ayaa la filayaa inuu ku soo laabto booska daafaca bidix isagoo caawin doona Saliba, Gabriel iyo Ben White.
Dhanka khadka dhexe Jorginho ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo isagoo ka garab ciyaaraya kabtan Odegaard iyo Decland Rice.
Halka weerarka la filayo in Havertz laga ciyaarsiiyo booska gooldhaliyaha taasoo keenay in Jesus uu keyd galo iyadoo Martinelli lagu soo bilaabayo ciyaartaan halka garabka kale uu ka dheelayo Bukayo Saka.
Dhanka kale Chelsea ayaa rajeynaysa in dhaawacyada aysan soo gabagabeynin rikoodhkooda guuldarro la’aanta Premier League marka ay u safrayaan Emirates Stadium caawa.
Malo Gusto iyo Chilwell ayaa ku biiraya liiksa dhaawacyada Chelsea taasoo ka dhigan in Pochettino uusan heysanin doorasho badan oo dhanka daafaca ah, waxaa la filayaa in Thiago Silva uu u waayeelin doono iyadoo ay ka garab ciyaarayaan Chalobah, Cucurella iyo Disasi.
Dhanka khadka dhexe waxaa la filayaa in Chelsea uu ka maqnaado laacibkooda Cole Palmer kaasoo xumad ku seegay tababarkii ugu danbeeyay ee Chelsea, shaki weyn ayaana ku jira in xiddigaan uu dheeli karo kulanka caawa.
Sidaasi darteed waxaa la filayaa in Gallagher loo soo celiyo khadka dhexe madaama garab laga ciyaarsiinayay isbuucyadii ugu danbeysay.
Dhanka afka hore Nicolas Jackson ayaa mar kale lagu aamini doonaa inuu weerarka hogaamiyo iyadoo ay caawinayaan Mudryk iyo Sterling.
Arsenal XI: David Raya; White, Gabriel, Saliba, Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Rice; Saka, Havertz, Martinelli
Chelsea XI: Petrovic; Disasi, Chalobah, Thiago Silva, Cucurella; Fernandez, Caicedo, Gallagher; Sterling, Nicolas Jackson, Mudryk