Rajadii Liveprool ee ahayd inay ku guuleystaan horyaalka Premier League ayay hantaaqo soo gaadhay kulankii Manchester United ay waqtiga dambe barbarraha uu muranku ku jiro kaga heleen rikoodhe loo dhigay Harvey Elliott oo uu gool u beddelay Mohamed Salah.
Liverpool ayaa qaytii hore uu gool u dhaliyey Luis Diaz waxaanay labada kooxood ku kala nasteen 1-0 illaa laga soo gaadhayey qaybta labaad oo uu Jarell Quansah sameeyey qalad la degay kooxdiisa isaga oo kubbad hadiyad ah siiyey Bruno Fernandes oo badhtamaha garoonka kaga toogtay goolka oo cidlo ah.
Shan qalad ayey sameeyeen labada tababare, kuwaas ayaana sabab u noqday in ay isla kufaan oo ay barbarro ku kala baxaan taas oo aan midkoodna dan u ahayn.
1. Ten Hag oo ka tanaasulay inuu weerar qaado
Manchester United qaybtii hore waxa ku dhacday arrin ceeb ahayd, waxaanay awoodi waayeen inay goolka Liverpool toogtaan. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee tan iyo sannadkii 2015 ay qaybta hore toogan waayaan goolka kooxda kasoo horjeedda.
Tababare Erik ten Hag ayaa fadhiyey Antony oo ay £86 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Ajax, waxaana uu ka doortay Marcus Rashford oo inkasta oo uu qaybtii labaad firfircoonaa haddana aan sidii laga filayey u shaqaynin qaybtii hore.
Iskudayga Manchester United ee qaybta hore ayaa ahaa (0), waxaana rikoodh noocaas ah ugu dambaysay ciyaar ay Manchester City la dheeleen October 2015, balse eedda waxa xambaaranaya Ten Hag oo kala daadiyey shaxdii Chelsea la dheeshay usbuucii hore.
2. Kubbadaha dhinacyada oo ay ku fashilmeen inay iska difaacaan
Manchester United waxay ku dhibaatootay inay iska joojiso kubbadaha dhinacyada lagaga keenayay labadii qaybood ee ciyaarta, waana isla wixii dilay kulankii Chelsea ay 4-3 kaga adkaatay Khamiistii.
TYen Hag ayay kooxdiisu diiwaangelisay rikoodh aan looga baranin oo ceeb ku ah, waxaana tirada kubbadaha ay Liverpool dhinacyada ka keentay ay noqon lahaayeen 4.6 gool haddii ay ka faa’iidaysan lahaayeen weerarka Liverpool. Goolka Luis Diaz uu qaybta hore dhaliyey ayaa ahaa laad xor ah oo dhinaca laga soo qaaday.
3. Tabcaannimadii khadka dhexe
Khadka dhexe ee Manchester United ma ahayn mid bandhiggeedu joogto yahay xilli-ciyaareedka oo dhan, sidaas ayay maantana mar kale ahaayeen.
Kobbie Mainoo iyo Casemiro ayuu Erik ten Hag ku soo bilaabay, waxaanay inta badan ahaayeen kuwo difaac ku jira oo hal abuurkoodu yar yahay, taas oo Liverpool u ogolaatay inay firfircooni badan ka samayso khadka dhexe.
Jurgen Klopp ayaa ciyaartoydiisa khadka dhexe ay shan jeer toogteen goolhaye Andre Onan.
4. Kusoo bilaabistii Dominik Szoboszlai
Dominik Szoboszlai waxa uu Liverpool u ahaa saxeex wanaagsan, shakina kuma jiro, laakiin xiddiga reer Hungry ayaa waxa la-qabsigiisii Premier League hantaaqo u geystay dhaawac soo gaadhay.
23 jirkan kubbadaha lugtiisa gala aanay ammaan ahayn marka loo eego Curtis Jones, iyadoo laacibka reer England ay yaraayeen kubbadaha uu luminayey.
Jurgen Klopp qalad ayay ku ahayd inuu kusoo bilaabo Dominik Szoboszlai iyadoo uu Curtis Jones kursiga kaydka fadhiyo oo uu taam ahaa.
5. Fadhiisintii Joe Gomez
Jurgen Klopp oo difaaca bicid xkusoo bilaabay Andy Robertson oo ah ciyaartoyga dabiici ahaan booskaas iska leh, waxa uu fadhiyey Joe Gomez halka uu difaaca dhexe kusoo wada bilaabay Virgil van Dijk iyo Jarell Quansah.
21 jirka reer England ee Quansah ayaa sameeyey qaladka goolka koowaad ee Manchester United oo uu kubadda hadiyad u bixiyey, waxaana sababtu ay ahayd inay yar tahay khibraddiisu oo xammilkiisa kulankan uu hooseeyey, waxaana ka wacnaan lahayd inuu kusoo bilaabo Joe Gomez oo uu difaaca dhexe kala ciyaarsiiyo Virgil van Dijk.
saan ma wax ku qiimeysan Gomez in lagu so bilaabo musiibaba asaga ugama horeyn liverpool tan kle Szobo waaba ninka kubada liverpool dhaqaajinaayay isku kubad ayeynaan fiirsan hadii aad sidaas wax ku qiimeysaan hh