Manchester United iyo Liverpool waxay ku heshiiyeen barbarro 2-2 ah kulankoodii Old Trafford ee maanta, iyadoo kooxda tababare Jurgen Klopp ay lumisay fursad ay kula wareegi lahayd hoggaanka Premier League oo hadda ay ka hayso Arsenal.
Luis Diaz ayaa ciyaarta ku furay gool qurux badan, iyadoo qaybta hore ay hal dhinac oo kaliya ka socotay ciyaartu oo ay Liverpool siday doonto ka heeshay Man United.
16 jeer ayay Liverpool toogatay goolka Man United qaybtii hore, waxaase ceeb noqotay in United aanay hal mar oo kali ahna goolka tooganin, waana rikoodh ceeb ah oo ay United ugu dambaysay October 2015.
Qalad uu sameeyey Jarell Quansah ayaa sababay in Bruno Fernandes uu masaafo 50 yard ah ay ka dhaliyo goolka koowaad ee Manchester United, ka hor intii aanu Kobbie Mainoo dhalinin gool qurux badan oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-1, balse Aaron Wan-Bissaka ayaa qalad uu ku galay Havery Elliott waxa uu keenay in rikoodhe loo dhigo Liverpool oo uu gool u beddelay Mohamed Salah iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-2 ay dhibcaha ku wadaageen.
Shantii ciyaartoy ee ceeboobay
Afar ciyaartoy oo Manchester United ah oo kusoo bilowday ciyaarta iyo difaaca Liverpool ee isku dhigay kubadda ayaa ku ceeboobay ciyaartii garoonka Old Trafford ee maanta, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa ugu qiimaynta hooseeyey isku darka labada kooxood.
Casemiro, Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund oo maqane jooga ka ahaa ciyaarta ayaa waxa soo raacay Jarrell Quansah waxaanay afartan ciyaartoy noqdeen kuwa ugu liitay.
Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday
Dhawr ciyaartoy ayuu hunguri ka galay xiddignimada garoonka, sida Andre Onana, Bruno Fernandez, Van Dijk iyo Harvey Elliott oo beddel kusoo galay, laakiin waxa xiddignimada meel saartay dheemanka Manchester United ee Kobbie Mainoo.
18 jirkan oo dhaliyey gool qurux badan, sidoo kalena halgan adag ka galay khadka dhexe ayaa waxa uu noqday ciyaartoygii ugu qiimaynta sarreeyey isku darka labada kooxood, waxaana uu helay darajada 8 ee qiimaynta kulanka.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man United: Onana (7), Dalot (7), Kambwala (7), Maguire (7), Wan-Bissaka (6), Mainoo (8), Casemiro (5), Rashford (5), Fernandes (7), Garnacho (6), Hojlund (5).
Beddelka: Antony (6), Amrabat (6), Mount (6).
Liverpool: Kelleher (6), Robertson (6), Van Dijk (7), Quansah (5), Bradley (6), Mac Allister (7), Endo (6), Szoboszlai (7), Diaz (7), Nunez (6), Salah (6).
Beddelka: Gomez (6), Jones (6), Gakpo (6), Elliott (7).