Bayern Munich ayay ka maqnaan doonaan shan ciyaartoy oo muhiim ah kulanka Arsenal ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, kuwaas oo dhamaantood ay soo gaadheen dhaawacyo uu xaqiijiyey tababare Thomas Tuchel.
Tababaraha reer Germany oo saxaafadda la hadlay ka hor ciyaarta Heidenheim ee horyaalka Bundesliga ee Sabtida, ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan shan ciyaartoy oo muhiim ah oo kooxdiisa ka maqan ciyaartan, kuwaas oo sidoo kalena aanay hubin taam ahaanshahooda Salaasada.
Goolhayaha xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer oo lagu daray Leroy Sane iyo Kingsley Coman ayaa saddexdooduba ka maqan ciyaarta Heidenheim, waxaana sidoo kale uu shaki xooggan ku jiraan haddii ay ciyaari doonaan kulanka Arsenal.
Waxa kale oo liiska xiddigaha dhaawaca ah uu tababare Thomas Tuchel ku daray difaaca bidix ee Noussair Mazraoui iyo da’yarka soo baxay ee Aleksandr Pavlovic.
Tuchel oo la weydiiyey xaaladda dhaawacayada shantan ciyaartoy ayaa yidhi: “Midkoodna shantaas taam uma aha ciyaarta Sabtida. Way ka maqan yihiin kooxda taamna ma aha. Sidaa daraadeed shaki ayaa ku jira Salaasada.”
Dhinaca kale, Tuchel ayaa xaqiijiyey inuu soo laabtay Rafael Guerreiro oo muddo dhaawac ku maqnaa isla markaana taam u noqonaya kulanka Arsenal.