Kooxda kubadda cagta Manchester City waxay galabta 2-0 ku garaacday Everton, waxaanay si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka oo ay hal dhibic dhaaftay Liverpool. Erling Haaland ayaa labada goolba dhaliyey qaybtii labaad.
Man City oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ka faa’iidaysatay laba fursadood oo dahabi ahaa oo uu helay mishiinkeeda goolashu, iyaga oo waliba iska khasaariyey fursado kale oo badan oo ay kusii kordhisan lahaayeen tirada goolasha.
Liverpool ayaa haddii ay ka guuleysato Burnley dib uga soo ceshan doonta hoggaanka horyaalka oo laba dhibcood dhaafi doonta.
Shantii rikoodhadii laga diiwaangeliyey ciyaarta
- Kevin De Bruyne ayaa caawiyey goolkii 12aad ee uu dhaliyo Erling Haaland, waxaana uu noqday ciyaartoygii caawinta ugu badan siiyey hal ciyaartoy oo ay isku koox yihiin. Waligeed kama aanay dhicin horyaalka Premier League, waliba waxa rikoodhkan uu ku sameeyey hal xilli-ciyaareed iyo badh.
- Goolkii uu ciyaarta ku furay Erling Haaland waxa uu soo afjaray 17 jeer oo uu goolka toogtay iyo 418 daqiiqadood oo uu garoonka ku jiray oo uu wax gool ah ka dhalin waayey horyaalka Premier League. Waxa uu sidaas Man City goolal kaga dhaliyey saddexdii ciyaarood ee uu ka hor yimid, isaga oo shabaqooda taabsiiyey afar gool.
- Kevin De Bruyne waxa uu ka qayb-qaatay 23 gool 23kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu u saftay Man City dhamaan tartamada, kuwaas oo uu dhaliyey lix gool, 17 kalena caawiyey. Siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayuu goolal dhaliyey ama caawiyey si xidhiidh ah.
- Manchester City waxay maanta dhalisay toogashadeedii ugu horreysay ee ay goolka ku beegtay, waxaanay ahayd daqiiqaddii 71aad oo uu Haaland kubadda lugta midig ku toogtay. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay City awoodi weydo inay goolka toogato 71 daqiiqadood tan iyo September 2021, waqtigaas oo 90 daqiiqadood awoodi waayeen inay toogtaan goolka Southampton.
- Everton wax guul ah ma aanay arag toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waxaana laga badiyey afar jeer iyo saddexda kale oo ay barbarreeyeen.
Xiddigii garoonka
Erling Haaland oo dhaliyey labada gool ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, iyadoo waliba xiddignimada uu u xaqiijiyey goolkii labaad oo uu kubadda ka qaatay badhtamaha garoonka. Waxa uu helay qiimayntii ugu badnayd ee garoonka oo ahayd darajada 9.
Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood oo dhamaystiran
Man City: Ederson (7), Stones (7), Akanji (6), Dias (7), Ake (7), Rodri (7), Nunes (6), Foden (7), Alvarez (6), Doku (7), Haaland (9).
Beddelka: De Bruyne (7), Walker (7), Bernardo Silva (7), Grealish (6).
Everton: Pickford (6), Godfrey (7), Tarkowski (7), Branthwaite (6), Mykolenko (6), Young (6), Garner (7), Gueye (7), McNeil (6), Harrison (6), Calvert-Lewin (5).
Beddelka: Coleman (6), Beto (5), Onana (6), Dobbin (6), Chermiti (6).
Player of the match: Erling Haaland