Kooxda kubadda cagta Liverpool waxa ka maqnaaday goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker kulankii ay garoonkooda Anfield ku qaabbileen Burnley, taas oo bilowgiiba la dareemay in laga tebayo garoonka markii kubbad uu goolka ku laaday David Fofana uu si dirqi ah ku badbaadiyey, maadaama uu goolka kasoo baxsanaa oo kubbaddana loo weydaariyey dhinaca goolka.
Waxa kale oo ay taageereyaasha Liverpool tabeen in aanu joogin goolhayahoodii ay isku hallayn jireen markii uu Dara O’shea kubbad madax ah oo uu meel fog kaga soo toogtay ay shabaqiisa haleeshay dhamaadka qaybta hore.
Waxa goolka ugu soo bilowday Liverpool goolhaye Caoimhin Kelleher, halka Andy Robertson uu dib ugu soo laabtay difaaca bidix oo uu isaguna beddelay Joe Gomez oo aan garoonkaba joogin.
Tababare Jurgen Klopp oo ka hor ciyaarta la weydiiyey sababta uu Alisson oo aan lagu ogeyn wax dhaawac uu uga maqnaaday ciyaartan ayaa sheegay, in goolhayaha Brazil iyo difaaca England ee Joe Gomez uu ku dhacay duray (Hargab) isla markaana ay awoodi waayeen inay taam u noqdaan ciyaarta.
Klopp oo ka hadlayay xaaladda labadan ciyaartoy ayaa yidhi: “Ali saaka ayuu ka tegay garoonka tababarka isaga oo xanuunsanaya. Joe waxa isaga go’aankiisa aanu gaadhnay shalay. Way iska caddayd in aanay xaaladdiisu fiicnayn.
“Ciyaartoyda kale waxa ay nagaga maqan yihiin dhaawacyo iyo sababo kala duwan.”
Ibrahima Konate oo casaan qaatay ciyaartii Arsenal ayaa isaguna ka maqnaa kulankan, waxaana beddelay Jarell Quansah oo ka garab ciyaaray Virgil van Dijk, halka khadka dhexe uu dib ugu soo laabtay Wataru Endo oo ay ka garab ciyaareen Alexis Mac Allister iyo Curtis Jones.