Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa magacaabay ciyaartoyga ku guuleysanaya abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ee xilli-ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxdiisu xalay 2-0 ku garaacday Borussia Dortmund finalka Champions League, sidaasna ugu guuleysteen koobka Champions League markii 15aad.
Xiddigaha Real Madrid ee Vinicius Junior iyo Jude Bellingham ayaa si aad ah loogu saadaalinayaa abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin waxa kale oo tartanka ku jira Kylian Mbappe oo isaguna noqday ciyaartoy Real Madrid ah oo heshiis u saxeexay iyo Phil Foden oo Man City ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Premier League, isla markaana la siiyey abaal-marinta xiddiga sannadka ee Premier League.
Carlo Ancelotti oo kaddib guushii Champions League ee xalay la weydiiyey ciyaartoyga ku guuleysanaya abaal-marinta Ballon d’Or ayaa si aan gabbasho lahayn u doortay Vinicius Junior oo ahaa geesiga dhaliyey goolka labaad finalkii Champions League ee xalay, isla markaana saamayn badan ku lahaa kulanka.
xilli-ciyaareedkan dhaliyey 24 gool 309 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, waxaana uu ku darsaday 11 kale oo uu caawiyey hhhhhhhhh