Iyadoo xilli ciyaareedyada horyaalada Yurub ay ku dhow yihiin gabagabo si la mid ah Champions League islamarkaana tartamada Euro 2024 iyo Copa America ay bilaabanayaan xagaagan, waxaa durba la hadal hayaa ciyaartoyda ugu cadcad inay ku guuleystaan abaalmarinta Ballon d’Or.
Waayihii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waxay u muuqataa in laga soo gudbay, waxaana soo baxay jiil cusub oo booskooda la wareegaya.
Jariirada Isbaanishka ee Marca ayaa shaacisay seddexda ciyaaryahan ee ugu cadcad haatan inay ku guuleystaan abaalmarinta Ballon d’Or.
Vinicius Jr
Xilli ciyaareedkii hore malab ayaa loo mariyay bushimihiisa madaama uu ku dhameystay kaalinta lixaad ee codbixinta Ballon d’Or.
Waxay u muuqataa in waqtigiisii la gaadhay. Wuu muhiim u yahay Real Madrid, halka uu hogaamiye u yahay xulka Brazil, wuxuu ku guuleysan karaa labo ama seddex koob oo taariikhi ah taasoo haddii ay dhacdo ka dhigeysa mid kor u qaadi kara abaalmarinta Ballon d’Or.
Tartankiisa Ballon d’Or hadda ayuu bilowday, wuxuu u baahan yahay inuu Los Blancos u xaqiijiyo hanashada La Liga oo durba gacantooda ku jira, inuu u qaado koobka Champions League iyo inuu Brazil ku hogaamiyay hanashada Copa America.
Kylian Mbappé
Kylian Mbappe wuxuu si weyn u doonayaa inuu ku guuleysto abaalmarintiisii ugu horeysay ee Ballon d’Or. Horyaalka Faransiiska durba gacantiisa ayuu ku jiraa, halka ay PSG ugu cadcad yihiin inay gaaraan finalka Champions League.
Faransiiska ayaa sidoo kale loo saadaalinayaa tartanka Euro 2024 iyadoo Mbappe uu yahay xiddig ismuujiya kulamada waa weyn.
Jude Bellingham
Shaki kuma jiro inuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan. Saameynta uu ku leeyahay Real Madrid waa mid aad u weyn taasoo keentay inuu durba noqdo xiddiga ugu weyn kooxda isagoo 20 sanno jir ah.
Waxa uu u baahan yahay inuu ku dadaalo ku guuleysiga Champions League markiisii ugu horeysay abid iyo mid taas ka adag oo ah inuu xulka England ku hogaamiyo koobka Qaramada Yurub.
Xiddigaha Kale Ee Sharaxan:
Rodri iyo Bernando Silva oo wacdarro u dhigaya Man City xilli ciyaareedkan, Toni Kroos oo noqday waayeel weli saameyn leh islmarkaana xulka Jarmalka ku soo laabtay. Harry Kane oo mashiin goolal ah iyo xiddiga Bayer Leverkusen Florian Wirtz.