Arsenal iyo Manchester City ayaa ka fiirsanaya inay xagaaga u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Newcastle United iyo xulka Brazil Bruno Guimaraes, oo 26 jir ah. (Telegraph)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva ayaa go’aansaday inuu isaga tago Manchester City, 30 jirkaan oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 50 milyan ginni ayaa doonaya inuu u wareego Barcelona. (Sport)
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqday daafaca RB Leipzig Castello Lukeba, oo 21 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa kooxda Bundesliga lagu burburin karo 60 milyan ginni. (Foot Mercato)
Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa isha ku haya in kooxdu ay keento weeraryahan kale xagaaga si ay uu u xoojiyo weerarkiisa. (Goal)
Daafaca Chelsea Thiago Silva, oo 39 jir ah, ayaa heshiis afka ah la gaaray Fluminense, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Goal)
Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Manchester United Robin van Persie ayaa ku dhow inuu qabto shaqadiisii ugu horeysay ee tababarenimo, ka dib markii uu wadahadalo la yeeshay kooxda heerka koowaad ee dalka Holland Heerenveen. (Algemeen Dagblad)
Real Madrid ayaa qorsheynaysa inay qandaraaska u kordhiso 32 jirka daafaca uga ciyaara Spain ee Lucas Vazquez, kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo bisha June. (AS )
Paris St-Germain ayaa ku raad joogta 16 jirka reer Spain ee kooxda Barcelona Lamine Yamal. (Le Parisien)
Manchester United ayaa xiiseyneysa daafaca Inter Milan iyo Italy Alessandro Bastoni, oo 25 jir ah, waxaana ay diyaar u yihiin inay ku soo bandhigaan 52 milyan ginni. (Fichajes)
Kooxda reer Holland ee Feyenoord ayaa xiiso u qabta 23 jirka garabka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Bryan Gil kaas oo la filayo in uu xagaaga isaga tago Spurs. (Standard)
Weeraryahanka France Olivier Giroud, oo 37 jir ah, ayaa qandaraas u saxiixi doona kooxda Major League Soccer (MLS) ee Los Angeles FC, wuxuuna si xor ah ugu biiri doonaa xagaaga marka uu dhamaado heshiiskiisa AC Milan. (RMC Sport)