Arsenal ayaa shan gool ku dharbaaxday kooxda ay dhaawacyada ragaadiyeen ee Chelsea iyagoo seddex dhibcood ku qabtay hogaanka Premier League.
Waxaan eegeynaa seddex waxyaabood uu sameeyay tababare Mikel Arteta kulankii xalay ee Emirates oo ka caawiyay guushoodii ugu weyneyd abid ee ay ka gaareen Chelsea tartamada oo dhan.
Wuxuu Bartilmaameesaday Meelaha Ay Ka Liidatay Chelsea
Arteta ayaa ahaa mid faraxsan markii uu arkay 11ka ciyaaryahan ee Chelsea ee ciyaarta ku soo bilowday. Reece James, Malo Gusto, Wesley Fofana, Ben Chilwell iyo Levi Colwill ayaa dhamaantood ka maqnaa Blues iyadoo Pochettino uu garabka daafaca ku soo bilaabay da’ yarka Alfie Gilchrist.
Arsenal ayaana bartilmaameedsatay 20 jirkaan iyadoo Rice, Trossard iyo Martin Odegaard ay intuba wado ka dhigteen da’ yarkaan. Buka Saka iyo Ben White ayaa iyagana handaday Marc Cucurella oo lagu yaqaano inuusan ku fiicneyn kubadaha fool ka foolka ah. Arteta wax naxariis ah uma fidinin Chelsea, waana waxa looga baahan yahay haddii ay doonayaan inay ku guuleystaan Premier League.
Xoriyad uu siiyay Declan Rice
Iyadoo Thomas Partey laga garab ciyaarsiiyay Declan Rice, waxay taasi keentay in xiddigii hore ee West Ham xoriyad loo siiyay inuu weerarka caawiyo, isagoo ahaa isku xira khadka dhexe iyo weerarka. Xoriyadiisa ayaana keentay goolkii ay hogaanka ku qabteen Gunners.
Rice waa mid xawaare sareeya marka uu kubada jiidayo, waxayna keentay in xiddigaha khadka dhexe ee Chelsea iyo daafacyada ay isha ka daawadaan iyagoo aan waxba ka qaban karin. Awooda uu kubada ku difaacan karo Rice ayaa mar walba ah ciyaartiisa ugu fiican laakiin wuxuu soo bandhigayaa sidoo kale inuu leeyahay halis weerar oo mug leh.
Inuu Tomiyasu Doortay
Palmer ayaa ka maqnaa Blues laakiin halistooda ugu weyn waxay weli ka imaaneysay garabka midig. Madueke ayaa ku fiican inuu kubado cagtiisa bidix ku soo dhigo isagoo ka soo xaroonaya garabka midig, halka Jackson uu sidoo kale garabkaas awooda saaro.
Bedelkii uu ciyaarsiin lahaa Oleksandr Zinchenko, Arteta waxa uu doortay xiddiga cagta midig Tomiyasu si uu meesha uga saaro halisya Madueke. Xiddiga Japan ayaa aamusiyay Madueke, wuxuu xitaa ku sababay inuu khadka dhexe u jiido oo uu ciyaartiisa dhumiyo.
Chelsea wax raaxo ah kuma dareemin garabka midig, xitaa haddii uu Palmer joogi lahaa, way adkaan laheyd inay sidaan ka duwanaato.