Laba ciyaaryahan oo ka tirsan horyaalka Premier League ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay kufsi, sida ay wararku sheegayaan.
Fiidnimadii xalay oo Talaado aheyd, wargeyska The Sun ayaa sheegtay in laba ciyaartoy oo isku naadi ka tirsan la xiray isbuuc dhamaadkii.
Ciyaartoyda lama magacaabin, sidoo kale lama sheegin kooxda ay u ciyaaraan, balse waxaa la shaaciyay in labada shaqsi ay yihiin 19 sanno jir.
Laakin hal xidig ayaa lagu xiray garoonka kooxdiisa dhamaadkii isbuucii la soo dhaafay, ka dib markii wax laga weydiiyay tuhuno la xiriira faraxumeyn iyo caawin kufsi.
Ciyaaryahanka waxaa su’aalo lagu weydiiyay qol gaar ah.
Su’aalaha ka dib waxaa loo ogolaaday inuu garoonka ka bixi karo balse ka dib waa la xiray isagoo habeenkii ku baryay xabsi dhexdiisa.
Ciyaaryahanka labaad ayaa la xiray maalin ka dib isaguu ku tuhmayo inuu kufsi geystay.
Kufsiga ayaa la sheegay inuu dhacay habeenkii Jimcaha iyadoo labada ciyaaryahan ee kufsiga looga shaki qabo haatan lagu sii daayay damaanad iyadoo baaritaan dheeri ah la sameynayo.
Waqtigaan la joogo ma cadda haddii kooxda ay u ciyaarayaan labada ciyaaryahan ay ganaax ku soo rogtay ciyaartoyda.
The Sun ayaa la xiriirtay kooxda ay u ciyaaraan labada ciyaaryahan, waxayna sheegeen inaysan waxba ka oraneynin xaalada ciyaartoydooda madaama baaris boliis ay ku socoto.
Sababo sharci ah darteed ayaysan The Sun shaacin karin magacyada ciyaartoyda iyo kooxda ay u ciyaaraan.