Wuxuu Ku Khamaaray Tomiyasu
Waxay aheyd go’aan geesinimo leh inuu ku soo bilaabo Takehiro Tomiyasu iyadoo ay joogeen Jakub Kiwior iyo Oleksandr Zinchenko, waxaana uu noqday go’aan uu ku qasaaray. Daafaca reer Japan ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii December, waxaana uu u muuqday mid aan diyaarsaneyn.
Waxa uu ku rafaaday inuu celiyo Leroy Sane marka uu kubada heysto iyo marka uu boos qaadanayoba, xitaa waxaa jirtay xilli uu xiddiga Jarmalka farsamo ku ceebeeyayay. Waxa uu sidoo kale noqday mid hurda taasoo keentay in Joshua Kimmich uu ka dhuunto islamarkaana madax ku dhaliyo kubada.
Kulan sidaan weyn waxaa fure u ah khibrad iyo laxan ciyaareed. Sidaasi darteed sababta uu Arteta u doortay inuu ku soo bilaabo ciyaaryahan kaliya shan kulan bedel ku soo galay tan iyo November lama oga.
Havertz Ayuu Ka Doortay Jesus
Waa sax qaab ciyaareedkii Gabriel Jesus ee kulankii Aston Villa wuxuu ahaa mid aad u liitay, laakiin si guud marka loo eego, Gunners waxay xalay u baahneyd khibrada xiddiga reer Brazil.
Jesus wuxuu dhaliyay 20 gool oo Champions League ah 38 kulan uu u saftay Manchester City, waxaana uu leeyahay halis gooldhalin oo qalqal gelin karta daafacyada Bayern Munich taasoo faa’ido u noqon laheyd Gunners.
Havertz ayaa ciyaarta iska dhex ordayay isagoo aan wax saameyn ah laheyn, go’aan qaldan ayayna aheyd in isaga la safo oo Jesus oo bedel lagu soo geliyay 20 daqiiqo oo ciyaarta ay ka harsan tahay keyd la geliyo.
Tiirkii Khadka Dhexe Oo Dhumay
Arsenal waxay u baahneyd tiir dhexe oo khadka dhexe maamula. Declan Rice awoodiisa way muuqatay laakiin xiddigii ka garab ciyaarayay Jorginho lama arkin.
Xiddiga Talyaaniga wuu fiicnaa marka ay kooxdiisa kubada heysatay laakiin marka kubada laga heystay wuxuu ciyaarta ka ahaa rakaab taasoo u ogolaatay Jamal Musiala iyo Harry Kane inay dulduleelo ka helaan khadka dhexe oo ay halis abuuraan, waana la bixiyay markii ay Bayern goolka dhalisay.
Thomas Partey wax badan ma uusan ciyaarin xilli ciyaareedkan laakiin taariikhda ayaa inoo sheegeysa inuu yahay xiddig adag oo lagu tashan karo marka uu dhexda ka dheelayo, waxayna aheyd in Arteta uu isticmaalo xiddiga reer Ghana xalay.