Booliisku waxay baarayaan “khiyaano maalgashi” oo lagu eedeeyay Scott McTominay oo wajahaya khasaare dhan 1 milyan ginni, sida ay qortay The Sun.
Xiddiga reer Scotland waxa uu maalgashaday shirkad guuldarraysatay oo ay maamulayeen gacalisadiisa Cameron Reading iyo aabaheed Ashley.
Shirkada Fortress Capital Partners waxay musalaftay bishii Sebtembar ee sannadkii hore.
Shirkadda waxaa lagu yeeshay 18 milyan oo ginni, iyadoo la degtay dhaqaalaha 230 qof oo maalgashaday.
Waxaa lagu soo waramayaa inay shirkada lacag ka amaahatay maalgashadayaasha, ka dibna ay lacagtaas amaah ku sii bixisay si ay dulsaar heer sarre ah uga helaan.
Hadda waxaa soo baxday in shirkadda ay wajaheyso baaris ay ku sameynayaan boliiska madaama lacagta la lunsaday.
McTominay saaxiibtiisa iyo aabaheed waxay lacago malaayiin ah ku maalgeliyeen guryo raaxo oo ku yaala UK, Dubai iyo Spain.
McTominay, oo 27 jir ah, ayaa shirkada Fortress amaahiyay 1 milyan ginni si ay u iibsadan guri raaxo oo Portugal ku yaala.
Xiddiga Man United ayaa hadda dib u helaya kaliya 100 kun ginni oo ka mid ah lacagtii halka milyan ginni ee uu shirkada gashaday, ka dib markii ay maamulayaasha dhaqaalaha ay xaqiijiyeen in maalgashadayaasha qasaaray ay heli doonaan kaliya boqolkiiba 10 lacagtii ay ku maalgeliyeen shirkada.