Marcus Rashford ayaa loo sheegay in haatan la joogo waqtigii uu isaga tagi lahaa Manchester United, inkastoo aysan jirin koox ka tirsan lixda kooxood ee ugu sareysa Premier League oo doonaysa saxiixiisa.
Rashford ayaa ciyaaray wax ka yar 20 daqiiqo intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa ee bishaan March, iyadoo khabiirka talkSPORT Simon Jordan uu aaminsan yahay in xiddiga ku dhashay Manchester uu jhoos u dhacay bilihii la soo dhaafaf.
“Sabab kasta ha ahaatee, hadday tahay hab nololeedkiisa ama sida uu u arko dunida, cadaadiska ay leedahay u ciyaarida United ama lacag badan oo uu heysto, uma jeedo ciyaaryahan horumar sameynaya” ayuu Simon Jordan ku qoray Daily Mail.
“Markii uu ugu fiicnaa aan aragno waxay aheyd bilowgii xirfadiisa ciyaareed iyo sidoo kale bandhig fiican uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore. Waxaa lagu doodi karaa inuusan wax horumar ah sameynin shantii sannadood ee ugu danbeysay. Ma arko meel ciyaartiisa ka mid ah oo horumartay.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan filayaa in la joogo waqtigii uu ka tagi lahaa kooxda. Waqtigiisii Old Trafford dhamaad ayuu gaaray, waxaana laga yaabaa inuu mar kale qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ku helo koox cusub.
“Waxaa si joogta ah loola xiriirinayay Paris Saint-Germain taasoo noqon karta dookh fiican, wuxuu ku guuleysanayaa horyaalo, wuxuu ka ciyaarayaa Champions League, wuxuu ka fogaanayaa musiibada Man United iyo warbaahinta Britian.
“Laakiin ma jirto koox ka mid ah lixda kooxood ee ugu waa weyn England oo dooneysa isaga, fursadiisa waxay ku xadidan tahay inuu aado meel ka baxsan England.”