Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dooratay saxeexeeda ugu horreeya ee ay samayn doonto marka uu xilka la wareego tababare Erne Slot oo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay tababaraha cusub ee Reds, waxaana uu beddeli doonaa Jurgen Klopp oo bishii January xaqiijiyey inuu baxayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Liverpool ayaa la sheegay, in ay kusii dhegsanaan doonto ciyaartoygii uu tababaraha sii baxaya ee Jurgen Klopp go’aamiyey in ay kooxdu la saxeexato, waana laacib ka ciyaara horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.
Arne Slot ayaa la sheegay in aanu wax dood ah ka keenin qorshaha ay maamulka koodu dejiyeen ee ah in Liverpool ay saxeexeeda koowaad ka dhigato khadka dhexe ee kooxda Atalanta ee Teun Koopmeiners oo qiimihiisa lagu sheegay £50 milyan oo Gini.
26 jirkan oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii ay Atalanta 3-0 ku garaacday Liverpool ee ay kaga reebtay tartanka Europa League oo waqtigaas marayay wareegga siddeedda ayaa ah kubbad-sameeye awood u leh inuu dhaliyo goolal badan.
Tababare Arne Slot ayaa hore usoo layliyey Koopmeiners xilli-ciyaareedkii 2019/20 oo uu u dheelayey AZ Alkmaar, waxaana uu soo dhoweeyey inay midoobaan mar kale.
Xilli-ciyaareedkan socda ayuu Koopmeiners 14 gool u dhaliyey Atalanta 43 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay.