Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo ah 25 jir u ciyaara Sporting Lisbon oo ay xagaaga u dhaqaaqi doonaan. Dhaliyahan oo hore ugu soo ciyaaray kooxda Coventry City, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa £85 milyan oo Gini. (Football Transfers)
Liverpool ayaa u sheegtay Barcelona, in garabka weerarka xulka Colombia ee Luis Diaz uu qayb ka yahay qorshaha mustaqbalka fog ee kooxdooda oo aanu iib ahayn xagaagan. (Mirror)
Arsenal iyo Liverpool ayaa ku tartamaya difaaca dhexe ee xulka Ecuador iyo kooxda Eintracht Frankfurt ee Willian Pacho oo 22 jir ah. (90 min)
Garabka weerarka Arsenal ee Reiss Nelson oo 24 jir ah, ayaa waxa uu bartilmaameedka koowaad u noqday Brighton suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga. (Teamtalk)
Manchester United waxa ay go’aamisay in ay £43 milyan oo Gini ku iibiso Mason Greenwood oo amaah ugu maqan Getafe, kaas oo ay doonayaan koxo badan oo ka dhisan horyaalka Sucuudiga iyo Barcelona. (Mirror)
Manchester United waxa ay doonaysaa inay Premier League dib ugu soo celiso Mikel Merino oo ah 27 jir u ciyaara Real Sociedad oo hore ugu dheeli jiray Newcastle. (COPE)
Inkasta oo ay xiisaynayaan Juventus iyo AC Milan oo aanay damacooda qarsanin, haddana Atletico Madrid ayaa u dhow inay heshiis cusub ka saxeexdo difaaceeda Mario Hermoso oo 28 jir ah, kaas oo si xor ah lagu heli karayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Calciomercato)
Chelsea waxa ay xaraashi doontaa tiro ciyaartoyo ah xagaagan, waxaana liiska xiddigahaas lagu daray Raheem Sterling oo 29 jir ah. (Mail)
Manchester City waxay wada-hadallo kula jirtaa goolhayaha reer Germany ee Stefan Ortega oo ay doonayaan inuu kordhiyo qandaraaskiisa. (Florian Plettenberg)
Nice ayaa dalban doonta lacag u dhaxaysa 55 milyan i;llaa 60 milyan oo Euro oo ay ku xidhayso kooxaha doonaya difaaca dhexe ee reer France ee Jean-Cair Todibo oo lala xidhiidhinayo Manchester United. (90min)
Difaaca Manchester City ee Kyle Walekr oo 33 jir ah, ayaa waxa uu tegi doonaa Sucuudiga haddii uu ka helo dalab uu lacag badan ku shaqaysanayo. (Five)