Arsenal ayaa xalay usoo gudubtay wareegga siddeedda tartanka Champions League kaddib markii ay rikoodheyaal kaga adkaatay FC Porto oo ay celceliska labadii lugood ku dhamaysteen barbarro 1-1 ah, iyadoo koox walba garoonkeeda hal gool ku dhalisay.
Gunners ayaa waxa ay hadda diyaarinaysaa wakiillada ama masuuliyiinta ay u dirsan doonto magaalada Nyon ee waddanka Switzerland oo maalinta Jimcaha lagu samayn doono isku-aadka wareegga siddeedda iyo xataa illaa dariiqa loo marayo ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.
David Raya oo ah halyeyga Gunners usoo saaray wareegga siddeedda ee labada rikoodhe ka badbaadiyey FC Porto ayaa noqon doona shaqsiga laga sheekeeyo illaa inta laga gaadhayo isku-aadka, markaas oo sheekada ay beddeli karto kooxda ay isku dhacaan.
Abbaaro 2pm (duhurnimo) ee waqtiga Geeska Afrika ayaa isku aadka la samayn doonaa, waana maalinta ay taariikhdu tahay March 15 oo ku beegan Jimcaha foodda innagu soo haya.
Kooxaha soo gudbay illaa hadda:
Arsenal
Barcelona
Bayern Munich
Manchester City
Paris Saint-Germain
Real Madrid.
Kooxaha la sugayo caawa iyo natiijada lugtoodii hore
Atletico Madrid or Inter (0-1 on aggregate)
Borussia Dortmund or PSV (1-1 on aggregate)
Kooxdee ayay Arsenal ku dhici doontaa isku-aadka wareegga siddeedda?
Arsenal ayaa waxa ay ula siman tahay naadiyada kale ee soo baxay nasiibka gacanta loo gelinayo dhalada ama dheriga ay ku jiraan waraaqaha ay magacyada kooxuhu ku qoran yihiin.
Ma jiro sharci Arsenal ka ilaalinaya inay ku dhacdo kooxaha ugu waaweyn, xataa Man City oo ay isku waddan yihiin.
Waxa ay ku dhici kartaa dhamaan toddobada kooxood ee kale ee soo gudbay, waxayse ka ducaysan doonaan Man City, Bayern Munich iyo Real Madrid oo ah naadiyada tunka weyn ee la saadaalinayo.
Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga siddeedda?
Lugta hore ee kulamada wareegga siddeedda ayaa waxa ay kooxuhu ciyaari doonaan laba maalmood oo isku xigta oo ah Salaasada iyo Abracada April 9 & 10, kaddibna iyaga oo aan nasanin ayaa ay lugta labaad dheeli doonaan April 16 & 17.