Warbaahinta waddanka Ingiriiska waxa maanta haysta muuqaallada iyo sawirrada weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo muddo 12 saacadood oo xidhiidh ahaa ku sugnaa hotel lagu tamashleeyo, kaas oo inta uu khamri ka dhergay uu lacag badan jeebadda ugu shubay gabadh shaqaale ka ah hotelka oo uu ka dalbaday inay la seexato.
Isla gabadhii ayaa warbaahinta la hadashay oo waraysi siisay, waxaana arrintan ay cadho ka abuurtay qolka labbiska Manchester United, waxaana dhamaantood ka cadhooday ciyaartoyda kooxda oo ay u qaadan-waa ku noqotay sida uu laacibkani u dhaqmay.
Gabadha uu lacagta badan ku farraqay Marcus Rashford oo lagu magacaabo Sarah Adair, waxa uu u kaxaystay sariirta ka hor intii aanu subaxnimadii ku wargelinin naadigiisa in uu xanuunsanayo.
Dhalooyin khamri ah, isaga oo ku mashquulsan gabadhan iyo muuqaallo kale ayaa ay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigtay, waana muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ku xidhnaa hotelka iyo kuwo kale oo ay telefoonnada ku duubeen dad goobta joogay.
Manchester United ayaa xalay sheegtay, in £650,000 Gini ay ku ganaaxeen Marcus Rashford, sidoo kalena uu qaatay masuuliyadda wixii uu sameeyey, iyadoo laacibkanna uu raalligelin kusoo qora bartiisa bulshada.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ciyaartoyda Manchester United ayaa aad uga cadhooday ficillada aanay ka filaynin Rashford ee uu sameeyey, waxaanay si toos ah ula safteen tababare Erik ten Hag oo ay xataa ku raacsanaayeen haddii uu kooxda ka caydhiyo laacibkan.
Khamiista ayaa uu Rashford dib ugu soo noqon doonaa garoomada kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Wolves, kaddib markii uu seegay ciyaartii FA Cup ee Newport oo halkii uu ciyaartaas uga diyaar-garoobi lahaa uu iska tegay hotel ku yaalla magaalada Belfast oo uu ku tumanayay.