Laba ciyaarood oo isku xiga ayuu tababare Luis Enrique qaatay go’aan adag oo ahaa inuu beddelo xiddiga reer France ee Kylian Mbappe iyadoo lagu maqan yahay waqtiga nasashada, waxaanay kooxdu labadan kulanba lumisay min laba dhibcood.
Kylian Mbappe oo dhowaan ku wargeliyey naadigiisa inuu ka tegi doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku, ayaa waxa tababare Luis Enrique uu beddelkiisa ku macneeyey ‘go’aan u wanaagsan kooxda’.
Ciyaartii ay PSG xalay barbarraha la gashay AS Monaco, ayuu Kylian Mbappe kusoo bilowday, hase yeeshee waxa la saaray markii waqtiga nasashada loo baxay taas oo keentay inuu isaguna fuulo dusha sare ee garoonka oo ay hooyadii iyo xubno qoyskiisa ah ka daawanayeen ciyaarta.
Waxa kasii horreysay ciyaartii Rennes ay waqtiga dambe rikoodhaha ku barbarreeyeen, taas oo daqiiqaddii 65aad uu arkay iyadoo looga yeedhayo kursiga kaydka, sidaasna uu ciyaarta kaga baxay.
Taageereyaasha kooxda ayaa rumaysan la’ in iyadoo kooxdoodu guul raadinaysa ay haddana beddelaan laacibkii guusha u keeni lahaa, waxaase hadalkan ka qanciyey Luis Enrique oo u sheegay in uu kooxda usii diyaarinayo xilli-ciyaareedka dambe iyo waqti aanu Mbappe la joogi doonin.
“Anigu waqti dheer ayaan kusoo jiray kubadda cagta, waanad ogtihiin in wax kasta ay muhiim yihiin kooxdan oo kale.” Ayuu yidhi Luis Enrique.
Waxa uu intaa ku daray: “Hasoo degdegto ama ha daahdo e, waxa aanu ciyaari doonaa Mbappe la’aantii, sidaa daraadeed, waxa aan raadinayaa dookha ugu fiican ee kooxda.”