Andre Onana ayaa jaale labaad qaatay kulankii ay Man United rigoorada uga badisay Coventry City laakiin wuxuu ka badbaaday in casaan la siiyo.
Goolhayaha Shayaadiinta Cas Cas ayaa jaale lagu siiyay qeybtii labaad ee ciyaartii semi-finalka FA Cup inuu wakhti dhumis sameeyay.
Wuxuu jaale labaad qaatay dhamaadkii rigoorada ka dib markii uu isku taagay Callum O’Hare ka dib markii uu rigoore ka badbaadiyay.
Garsooraha ayaa jaale siiyay, taasoo la micno ahaan laheyd in casaan loo raaciyo islamarkaana ay United bilaa goolhaye noqoto inta ka harsaneyd rigoorooyinka.
Laakiin garsooraha casaan ma uusan siinin Onana taasoo lama filaan ku aheyd taageerayaal badan sidii dhacday kulankii Europa Conference League ee goolhayaha Aston Villa Emilliano Martinez.
Sababta aan ciyaarta looga saarin ayaa ah inuu jiro sharci dhigaya in kaararka jaalaha oo dhan la tirtirayo inta u dhaxeysa dhamaadka waqtiga dheeriga ah iyo bilowga rigoorooyinka.
Goolhayaha Aston Villa Martinez ayay Khamiistii sidaan oo kale ku dhacday laakiin goolhayaha reer Argentina wuxuu ganaax ku seegayaa kulanka lugta hore ee semi-finalka Europa Conference League.
Balse Onana ganaax kuma seegayo kulanka finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan Manchester City, sababtoo ah sharciga UEFA iyo midka FA-ga way kala duwan yihiin, iyadoo FA-ga uu u ogolaanayo Onana inuu ciyaaro finalka.