Kulankii El Clasico ee u dhaxeeyay Real Madrid iyo Barcelona ayaa waxaa hareeyay arin muran dhalisay ka dib gool laga diiday kooxda Barcelona.
Kubad u muuqatay inay dhaaftay xariiqda goosha ka hor inta uusan soo badbaadinin goolhayaha Real Madrid Lunin ayay VAR go’aansatay inaysan gool aheyn madaama kubada aysan wada gudbin xariiqda goosha.
La Liga waa horyaalka kaliya ee weyn ee aan isticmaalin teknooloojiyada xariiqda goosha ee ay isticmaalaan Champions League iyo horyaalada kale ee waa weyn ee Yurub. Madaxweynaha La Liga ayaa diiday inuu bixiyo lacagta teknooloojiyadaan oo kor u dhaafeysa 200 milyan ginni.
Waa sababtii Ilkay Gundogan oo ka ciyaaray Premier League uu garsooraha ka codsaday inuu eego waxa ay saacadiisa u sheegeyso taasoo qeyb ka ah teknooloojiyada xariiqda goosha isagoo moodayay in LaLiga ay teknooloojiyada isticmaasho.
Ka dib ciyaarta waxaa eedeymo loo jeediyay LaLiga gaar ahaan madaxweynaha horyaalka Javier Tebas, laakiin madaxweynaha ayaa jawaab lala yaabay ka bixiyay dhacdadaan.
Jawaabtiisa wuxuu ku soo koobay in qaladaadkan oo kale ay meel walba ka dhacdo. Wuxuu soo qaatay afar dhacdo oo uu sawir ka qaaday kuwaasoo tilmaamaya qalad la mid ah kii Barca goolka looga diiday, wuxuuna soo raaciyay qoraal ahaa: “Hadal kale kama dhahayo.”
Sin comentarios… pic.twitter.com/bhzzXLRnSA
— Javier Tebas Medrano (@Tebasjavier) April 21, 2024
Jawaabta Tebas waxay noqotay: “Way dhacdaa”, wuxuu soo qaatay warar ku saabsan qaladaad ka dhacay horyaalada waa weyn ee isticmaala teknooloojiyada xariiqda goosha, wuxuu soo qaatay mid ka dhacday Italy 2016kii, mid kale oo ka dhacay Jarmalka balse ay VAR xalisay, mid ka dhacday Premier League 2021kii iyo mid ka hadleysa in teknooloojiyada xariiqda goosha la hakiyay horyaalka France ka dib qaladaad dhacay.
Dooda Tebas ayaa aheyd in qaladkaan oo kale uu ka dhaco horyaalada isticmaala teknooloojiyada ka maqan horyaalka LaLiga.