Jose Mourinho ayaa saadaal uu ka sameeyey horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan ay u muuqataa mid rumoobaysa, kaddib natiijooyinkii kooxaha waaweyn ee Ingiriiska loo diiwaangeliyey toddobaadkan.
Arsenal iyo Liverpool oo hore hoggaanka wada-jir ugu hayay ayaa garoomadooda lagu garaacay Axaddii, waxaana hoggaanka si buuxda ula wareegtay Manchester City oo 5-1 ku xasuuqday Luton Town.
Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa Liverpool ay laba ciyaarood oo isku xigta oo horyaalka ah shan dhibcood lumisay, halka Arsenal ay saddex dhibcood ku lumisay ciyaartii Aston Villa inkasta oo 11kii ciyaarood ee ka horreeyey ay 10 ka mid ah guuleysteen marna ay barbarro galeen.
Jose Mourinho oo horraantii sannadkan la hadlayay Obi Mikel ayaa la weydiiyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Manchester City ayaa ku guuleysanaysa 51%.”
Mar la weydiiyey fursadda Liverpool waxa ku jawaabay: “Liverpool fursaddeedu waa 49%.”
Jose Mourinho ayaa markii uu kala saaray Manchester City iyo Liverpool waxa la weydiiyey fursadda Arsenal, waxaanu ku jawaabay: “Nah” oo macne ahaan noqonaysa in fursadda Gunners ay tahay ‘0’.