Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa gaadhay guusheedii ugu weynayd ee xilli-ciyaareedkan, waxaanay 6-0 ku xasuuqday Everton oo ay sida maryo-qoyan u dhax jiid-jiidday garoonka Stamford Bridge, halkaas oo koox kaliya oo ay goolashu u furan yihiin ay kubadda haysatay.
Cole Palmer ayaa kalidii ku filnaaday oo afar gool ka dhaliyey Everton oo burbur ka qaadday dhibcihii laga jaray ee haddana dib loogu soo celiyey, waxaana uu ka dhaliyey afar gool oo uu midkood rikoodhe ahaa.
Chelsea waqti hore furatay gool-dhalinta ciyaarta, waxaana 30kii daqiiqadood ee ugu horreeyey saddexlay israaciyey Cole Palmer oo si fudud ku burburinayey difaaca Everton.
Laacibka reer England ee xagaagii ay Chelsea kasoo iibsatay Man City ayaa waxa uu waqti dambe ku daray rikoodhe isaga oo figta sare ee gool-dhalinta Premier League kula midoobay Erling Haaland oo ay min 20 gool dhaliyeen xilli-ciyaareedkan socda.
Nicolas Jackson ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0 ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana uu aamusiiyey Everton oo isku dayaysay inay ka daba timaaddo saddexda gool ee bilowga hore la isku raacyey.
Qaybta labaad ayay Chelsea sii wadatay weerarkeeda iyadoo khadka dhexena uu ahaa meel aanay Toffees kusoo talo-gelin inay ka dheesho.
Daqiiqaddii 63aad ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe ay ceeb ka raacday oo ay isku qabsadeen Palmer, Madueke iyo Jackson oo isriix-riixay, waxaana ugu dambayntii qaatay Palmer oo ka dhigtay goolkiisii afraad ee ciyaartan.
Waqti dambe ayay Chelsea keentay goolka lixaad oo uu u dhaliyey Alfie Gilchrist oo beddel kusoo galay, waxaana Blues ay hadda kusoo dhowaatay kaalmaha toddobaad iyo lixaad oo ay saddex dhibcood oo kaliya u jirto.
Chelsea ayaa haysata 47 dhibcood iyadoo waliba hal ciyaar ah baaqi u tahay, halka Manchester United iyo Newcastle ay haystaan min 50 dhibcood oo ay saddex dhibcood oo kaliya ka horreeyaan Blues.