Khabiirka BBC Sport Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 24aad ee horyaalka Premier League iyadoo saadaashiisa ay noqotay mid ka nixisay jamaahiirta Manchester United oo todobaadyadii ugu danbeeyay ku riyaaqay guulo.
Chris Sutton ayaa saadaaliyay in kooxda hogaanka heysa ee Liverpool ay sii xajisan doonto hogankeeda kuna soo laaban doonto wadada guusha marka ay martigeliyaan Burnley Sabtida, isagoo saadaaliyay in Reds ay 4-0 ku badin doonto.
Kooxda kaalinta labaad ee Man City ayuu saadaaliyay inay iyadana guul ka gaari doonto Everton oo Sabtida marti ku ah Etihad Stadium, wuxuuna saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay 3-0 ku badin doonto.
Arsenal oo kaalinta 3aad ku jirta wuxuu u saadaaliyay inay guul ka gaari doonto kooxda reer London ee ay martida u yihiin Axada ee West Ham, wuxuuna u saadaaliyay guul 2-0 ah.
Kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa ayuu sidoo kale u saadaaliyay guul todobaadkan taasoo ka nixineysa jamaahiirta Man United oo marti ku ah Axada garoonka Villa Park.
Chris Sutton ayaa saadaaliyay in Man United ay guuldarro 2-1 ka soo gaari doonto Aston Villa.
Wuxuu saadaaliyay in Tottenham ay guul 3-2 ka gaari doonto Brighton halka uu guul u saadaaliyay kooxda rafaadsan xilli ciyaareed ee Chelsea oo Isniinta la ciyaareysa Crystal Palace, wuxuuna u saadaaliyay inay 1-0 ku badin doonaan.
Saadaasha Chris Sutton Ee Premier League:
SABTI | |||
Man City v Everton | 3-0 | ||
Fulham v Bournemouth | 2-1 | ||
Liverpool v Burnley | 4-0 | ||
Luton v Sheff Utd | 2-1 | ||
Tottenham v Brighton | 3-2 | ||
Wolves v Brentford | 2-1 | ||
Nott’m Forest v Newcastle | 2-2 | ||
AXAD | |||
West Ham v Arsenal | 0-2 | ||
Aston Villa v Man Utd | 2-1 | ||
ISNIIN | |||
Crystal Palace v Chelsea | 0-1 |