Shaqaalaha garoonka Old Trafford ayaa si degdeg ah u koray dusha sare, si ay u laxaamadaan meelo ay si toos ah uga soo gelayeen biyaha roob mahiigaan ah oo da’ayey intii ay socotay ciyaartii Arsenal ee Axaddii ee guul-darrada 1-0 ah loo xambaariyey Gunners.
Garoonka Old Trafford oo la dhisay 114 sannadood ka hor, ayaa waxa uu ka daroorimeeyey meelo badan, waxaana muuqaallo laga soo duubay ciyaarta oo socotay ay keeneen in laga shakiyo badqabka garoonkan.
Sir Jim Ratcliffe oo qorshaynaya in uu dumiyo oo uu dhiso garoon cusub ayaa hadda helaya garab iyo taageero, laakiin inta ka horreysa ee la gaadhayo waqtiga dhismaha, waxa shaqaalaha kooxda ee dhinaca dhismuhu ay laxaamad iyo dibu-habayn ku bilaabeen garoonka.
Muuqaalka lasoo duubay oo muujinaya qulqulka biyo la moodo inay qasabado waaweyn dusha sare kaga soo shubayaan garoonka, ayaa waxa ay buux-dhaafiyeen qolalka labbiska ee ciyaartoyda labada kooxood, sidoo kalena kuraasta taageereyaasha ayaa iyaguna qoyay.
United ayaa sheegtay in muddo laba saacadood ah uu magaalada Manchester ka da’ayey roob cabbirkiisu ahaa 1.6 inches, taasina keentay biyaha badan ee uu garoonku soo daayey.
Waxa kale oo ay kooxdu sheegtay inay taageereyaasha labada kooxood si badqab ah kaga baxeen garoonka oo haddana ay dibu-habayn ku samaynayaan meelaha ay waxyeelladu kasoo gaadhay roobka.