Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa saadaaliyey finalka tartanka Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund ee Sabtida, waxaana uu warkiisa usii caddeeyey taageereyaasha labada kooxood oo mid walba uu dhinacooda ugu badheedhay.
Real Madrid oo semi-finalkii kusoo garaacday Bayern Munich isla markaana waqti dambe uu laba gool u dhaliyey Joselu ayaa waxa ay waajahaysaa Borussia Dortmund oo iyaduna kasoo adkaatay Paris Saint-Germain. Waxa intii aanay semi-finalka soo gaadhin ay sidoo kale soo garaaceen Man City oo ay Real Madrid rikoodheyaal kaga soo takhalustay iyo Atletico Madrid oo ay Dortmund soo garaacday.
Ciyaartan ayaa Real Madrid waxa ay ku macasalaamayn doontaa Toni Kroos, halka Borussia Dortmund uu ka baxayo Marco Reus oo iyaguna ay doonayaan inay u hadiyeeyaan koobkan, waxaana aanu wali mustaqbalkiisu caddayn Matts Hammels, waxaanay isku xaalad ku jiraan Luka Modric iyo Nacho Fernandez oo iyagana ay dhamaadeen qandaraasyadooda Real Madrid oo aan wali waxba shaacinin.
Paul Merson oo sameeyey qiimayn iyo sharraxaad labada kooxood iyo tababareyaashooda ah ayaa ugu dambayntii waxa uu natiijada dooddiisa kusoo gunaanaday in Real Madrid ay markii 15aad ku guuleysanayso Koobka, sidoo kalena uu Carlo Ancelotti markiisii shanaad qaadayo koobka, iyadoo tababareyaasha kusoo xiga dhinaca guulaha Yurub ay yihiin Zidane iyo Guardiola oo min saddex Champions League qaaday intii ay tababareyaasha ahaayeen.
Saadaasha Paul Merson:
Borussia Dortmund 1-3 Real Madrid