Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa raadinaysa ciyaartoygii u beddeli lahaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegay inuu kusii jeedo Real Madrid oo uu si xor ah ugu wareegi doono xagaaga foodda inagu soo haya, kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa Parc des Princes ee ay dhawrka bilood ka hadhsan yihiin.
PSG ayaa dedaal badan ku bixinaysa sidii ay heshiis cusub uga saxeexi lahayd Kylian Mbappe, laakiin warbaahinta ayaa sheegaysa in laacibkani uu u dhow yahay Real Madrid oo ay mar horeba heshiis hordhac ah isla meel-dhigeen, laakiin ay u hadhsan tahay qodobka caddaynaya mushaharka uu ku qaadan doono Santiago Bernabeu.
Los Blancos ayaa si weyn u doonaysay Mbappe tan iyo sannadkii 2018, waxaana xiisadda dabka kusii shiday Madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga ee Tebias oo saxaafadda u sheegay in fursadda uu Mbappe ugu biirayo Real Madrid ay tahay 50%.
PSG ayaa dhinaceeda ku xisaabtamaysa xaalad kasta oo iman karta, waxaanay calaamadsatay ciyaartoygii u beddeli lahaa Kylian Mbappe haddii uu go’aansado inuu ka tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.
Wargeyska Telefoot ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay, in PSG ay doonayso inay la saxeexato garabka weerarka AC Milan iyo xulka Portugal ee Rafael Leao, waxaana heshiiskiisa ka shaqaynaya agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campos oo xidhiidh dhow la leh laacibkan oo ay hore uga soo wada shaqeeyeen Lille.
Qandaraaska Leao ee AC Milan ayaa soconaya illaa sannadka 2028, waxaanay PSG ku qasban tahay inay bixiso lacagta ay Milan dalbato si ay u hesho laacibkan, iyadoo wararku ay sheegayaan in AC Milan ay dalban doonto lacag aan ka yarayn €150 milyan oo Euro.