Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaarayaa usbuucii 29aad oo ay ballansan yihiin kooxo waaweyn iyadoo saadaaliyeyaasha ciyaaruhu ay sheegayaan in usbuucan uu noqon karayo midkii lagu kala baxayay horyaalka ee la go’aaminayey kooxda ku guuleysanaysa.
Manchester City, Arsenal iyo Liverpool oo ah kooxaha ku dagaallamaya horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan ayaa maalinta Axadda laga dhigay kulamadooda.
Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa waxa uu sheegay, in nafsiyan ay Arsenal dhiman doonto haddii toddobaadkan ay guul-darro kala kulanto Manchester City oo sannadkii horena waqti dambe dhaaftay shan dhibcood iyadoo Gunners 248 maalmood soo hoggaaminaysay horyaalka Premier League.
Paul Merson waxa kale oo uu sheegay in natiijada ciyaarta Etihad Stadium ay saamayn weyn yeelan doonto oo ay meesha ka saari doonto isku-dheggenaanta badan ee kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man City oo hadda hal dhibic kali ah kala horreeya.
Horyaalka ayaa waxa lagu furi doonaa Newcastle United iyo West Ham United oo waqtiga duhurka ee Sabtida foodda is-dari doona, waxaana uu Paul Merson niyadda u dhisay oo uu saddexda dhibcood siiyey kooxda tababare Eddie Howe.
Chelsea ayaa jidka guusha qabsan doonta marka ay garoonkeeda ku qaabbisho Burnley, sidoo kalena kooxaha Aston Villa iyo Tottenham ayaa meel dheer sii gaadhsiin doona dagaalkooda kaalinta afraad, laakiin Manchester United ayaa kufi doonta oo laba dhibcood lumin doonta marka ay Sabtida martida u noqoto Brentford, sida uu Paul Merson ku sheegay saadaashiisa.
Hoggaanka horyaalka Premier League ayaa waxa si toos ah ula wareegi doonta Liverpool oo laba dhibcood ka horreyn doonta Arsenal, halka Man City na ay saddex dhibcood oo nadiif ah dhaafi doonto sababtoo ah natiijooyinka kulamadooda usbuucan, sida uu Paul Merson ku sheegay saadaashiisa.
Liverpool ayaa waxa ay 2-1 ku garaaci doontaa Brighton & Hove Albion oo kusoo booqan doonta Anfield, halka Manchester City iyo Arsenal ay barbarro 1-1 ah ku kala bixi doonaan.
Halkan kaga bogo saadaasha Paul Merson ee kulamada usbuuca 29aad ee Premier League
Newcastle United 2-0 West Ham United
Chelsea 3-1 Burnley
Sheffield United 0-3 Fulham
Nottingham Forest 2-1 Crystal Palace
Bournemouth 1-1 Everton
Tottenham Hotspur 3-0 Luton Town
Aston Villa 3-1 Wolverhampton Wanderers
Prediction: Brentford 1-1 Manchester United
Prediction: Liverpool 2-1 Brighton & Hove Albion
Prediction: Manchester City 1-1 Arsenal