Horraantii bishan, Mane Diaz oo ah aabbaha dhalay xiddiga Liverpool ee Luis Diaz ayaa sheegay in wiilkiisu uu doonayo inuu ka ciyaaro magaalada Madrid ee waddanka Spain, waxaana uu xusay magacyada Real Madrid iyo Atletico Madrid oo uu laacibkani doonayey inuu tago ka hor intii aanay la saxeexanin Liverpool.
“Marnaba ma jirin dalab dhab ah oo ka yimid Real Madrid ama Atletico Madrid [2022], Liverpool ayaanay ka go’nayd inay la saxeexato oo dalab adag ka keentay Luis.” Ayuu yidhi Mane Diaz oo intaa ku daray: “Wali ma aannaan luminin rajadayadii ahayd in Luis uu u ciyaaro kooxaha Spain, mar walbana suuqu wuu u furan yahay.”
Hadalkan kasoo yeedhay ayaa waxa uu keenay in Real Madrid ay warkeeda caddayso oo ay u sheegto Liverpool in aanay marnaba la saxeexanayn Luis Diaz oo aanu ku jirin qorshahooda ciyaareed.
Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, Real Madrid waxa ay meesha ka saartay in ay la saxeexanayso Luis Diaz, waxaana ilo-wareedyo uu soo xigtay wargeysku ay yidhaahdeen: “Luis Diaz waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin waqtigan boos ugama bannaana kooxdayada, suurtogalna ma aha in aanu la saxeexano.’
Real Madrid ayaa waxa waqtigan ay diiraddeedu saaran tahay Kylian Mbappe oo ay doonayaan inay si xor ah ugala soo wareegaan Atletico Madrid, halka Vinicius Junior uu isaguna sii joogay garabka bidix ee weerarka ee uu ka dheelo Luis Diaz, taas oo ka dhigan in xiddigo ka wanaagsan ay Real Madrid ku haysato booskaas.
Waxa kale oo ay Real Madrid sugaysaa dheemanka reer Brazil ee Endrick oo bisha July soo gaadhi doona Santiago Bernabeu, markaas oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.