Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa ugu bushaareeyey Kylian Mbappe in uu hadda heli doono abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or mar haddiiba uu go’aansaday inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Ronaldo Nazario oo usoo ciyaaray PSV Eindhoven, Barcelona, Inter Milan, Real Madrid iyo AC Milan, ayaa waraysi dheer oo uu siiyey wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska waxa uu kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay aragtidiisa Kylian Mbappe ee Real Madrid.
47 jirkan oo la weydiiyey waxa uu kala socdo heshiiska la sheegay in ay Real Madrid la gaadhay Kylian Mbappe ayaa yidhi: “Waa in aynu sugno illaa inta si rasmi ah loogu dhawaaqayo ka hor inta aynaan tafaasiisha ka hadal, laakiin qof walba waa uu ku faraxsan yahay in Mbappe uu tago Madrid. Waa ciyaartoy cajiib ah. Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunyada waqtigan.
“Waxay ila tahay inuu go’aankii saxda ahaa qaatay haddii uu ku biirayo Madrid. Waxay ila tahay in ugu dambayntii uu heli doono abaal-marinta Ballon d’Or haddii uu ku biiro Madrid.”
Ronaldo ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoyda Real Madrid ay si weyn usoo dhoweyn doonaan Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Dadku waxay ka hadlayaan xaaladdiisa PSG, waxaase hubaal ah in ciyaartoyda Real Madrid ay ku taageeri doonaan go’aan kasta oo uu sameeyo. Waxa uu heli doonaa koox garabkiisa taagan gudaha garoonka iyo bannaankiisaba.”