Mushaharka uu qaato tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lasoo bandhigay isaga oo isku diyaarinaya tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee uu ku macasalaamayn lahaa kooxdiisa.
56 jirkan oo horraantii sannadkan shaaciyey inuu ka tegi doono Liverpool marka ay u buuxsamaan tirada sagaal sannadood oo uu hoggaaminayey Anfield, ayaa waxa hadda kooxdaasi ay mashquul ku tahay sidii ay u heli lahayd beddelkiisa.
Waqtigii Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa lagu tilmaamaa mid guul weyn ahaa oo ay kooxdu mahadisay, isla markaana uu kusoo celiyey halkii ay taagnayd 30 sannadood ka hor, waqtigaas oo ay luntay awooddii ay guulaha xidhiidhka ahaa kaga urursanaysay gudaha UK.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Jurgen Klopp ayaa waxa uu sannadkii mushahar uga qaataa kooxdiisa Liverpool lacag dhan £15 milyan oo Gini, laakiin qaybo ka mid ah lacagtiisa waxa uu ugu yaboohaa tabarucaad uu gacanta ku hayo halyeyga Spain ee Juan Mata.
Jimciyad lagu magacaabo Common Goal oo uu sameeyey xiddigii hore ee Chelsea iyo Manchester United ee Juan Mata ayaa waxa uu Jurge Klopp sannadkii ugu deeqaa 1% ka mid ah dakhligiisa.