Difaaca Barcelona ee Ronald Araujo ayaa ka jawaabay canaan uga timid Ilkay Gundogan kaddib ciyaartii PSG ee salaasadii ee ay kaga hadheen tartanak Champions League, taas oo uu laacibkani kaga baxay casaan daqiiqaddii 29aad.
PSG ayaa 6-4 ku garaacday Barcelona oo ka saartay tartanka Champions League inkasta oo lugtii hore ay guusha lahayd Barca.
Ronald Araujo ayaa qalad ku galay garabka weerarka PSG ee Barcola daqiiqaddii 29aad iyadoo ay kooxdiisu ay haysato gool uu u dhaliyey Raphinha, waxaana casaanka la siiyey Araujo uu sababay in kooxdiisu ay dunto oo laga dhaliyo afar gool.
Ilkay Gundogan oo waraysi bixiyey kaddib ciyaartaas, ayaa waxa uu weeraray Araujo, isaga oo yidhi: “Anigu ma garanayo haddii uu awoodayo inuu kubadda gaadho, laakiin waxay ahayd inuu fursad siiyo goolhayaha oo laga yaabo inuu badbaadin lahaa, amaba waxay ahayd inuu ka fikiro in goolka laga dhaliyo isaga oo casaan qaatay.”
Hadalka Ilkay Gundogan ayaa waxa sii taageertay xaaskiisa oo iyaduna ku eedaysay qaar ka mid ah ciyaartoyda Barcelona in ay kasoo horjeedeen kooxdooda oo ay lugaha qabteen, isla markaana farxadda kaga ciyaareen.
Si kastaba ha ahaatee, Ronald Araujo ayaa maanta ka jawaabay eedayntaas, waxaana uu sheegay in sida uu isagu wax u arkayey uu wax u qabtay, waxaanu usoo jeediyey Gundogan inuu ixtiraam u muujiyo, isaga oo yidhi: “Anigu waxaan jecelahay in aan arrintan ka aamuso, sababtoo ah waxa aan leeyahay qiyam iyo waxyaabo ay tahay in loo baahan yahay in la ixtiraamo.”