Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu qasbi doonaa inay bixiso lacag ay ku yeelanayso Bayern Munich haddii uu xiddiga reer Poland ee Robert Lewandowski uu dhaliyo laba gool kulanka Isniinta ay la dheelayaan Real Sociedad.
Barcelona ayaa garoonka ku martigelin doonta Real Sociedad, si ay ugu soo laabato kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga oo hadda ay Girona si ku-meelgaadh ah ugala wareegtay, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedku u dhamaanayaa iyagoon wax koob ah ku guuleysanin mid yar iyo mid weyn toona.
Kooxdan dhibaatada dhaqaalaha ku jirta ayaa waxase ay halis ugu jirtaa in loo qabsado lacag ay suurtogal tahay in bixinteedu ay waqtigan ku adkaado, taas oo ku waajibi doonta haddii uu weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski laba gool dhaliyo kulanka Real Sociedad amaba kulamada ka hadhsan xilli-ciyaareedka.
Lewandowski oo saddex gool ka dambeeya Artem Dobvyk oo hoggaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka LaLiga, ayaa heshiiskii ay Barcelona kagala soo wareegtay Bayern Munich waxa uu dhigayaay in haddii uu laacibkani dhaliyo wax ka badan 25 gool xilli-ciyaareedkii, in Barcelona ay u shubto Bayern Munich lacag dhan €1.25 milyan oo Gini.
Lewandowski oo xagaagii 2022 ay Barcelona €45 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Bayern Munich ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan dhaliyey 24 gool, waxaana shuruuddii waajibinaysay €1.25 milyan ee Euro ka hadhay laba gool oo kaliya.
Xilli-ciyaareedkii hore, ayaa Barcelona ay sidan oo kale u bixisay lacagtan markii uu laacibkani dhaliyey 33 gool oo dhamaan tartamada ahaa.