Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa samaynaysa baadhitaan la xidhiidha fadeexad ka dhacday baska ay ciyaartoyda kooxdu ku yimaaddeen garoonka Old Trafford kaddib guul-darradii niyad-jabka ahayd ee ay toddobaadkii hore kala kulmeen Crystal Palace.
Ciyaartoyda Manchester United ayaa markii ay kasoo baxeen garoonka Selhurst Park, waxa si lama filaan ah ay baska ugu dhax arkeen shaqsi ka caan ah baraha bulshada oo sameeya majaajillooyinka loo yaqaano ‘Prank’.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ninkan Park sameeya oo lagu magacaabo Lizwani ayaa kasoo gudbay ciidamada ammaanka, waxaana uu soo dhaxgalay ciyaartoyda oo uu waliba baska la koray.
YouTuber-kan ayaa la sheegay inuu baska dhaxdiisa kasoo duubay muuqaal isaga oo kursiga fadhiisanaya, laakiin mar dambe ayay arkeen shaqaalaha ammaanka ee Manchester United oo ay kasoo dejiyeen baska.
Lizwani ayaa waxa markii baska laga soo dejiyey ciidamada booliska oo jeelka u taxaabay, laakiin waxa fadeexad noqotay dhacdadan oo in badan lagu wareejiyey baraha bulshada, waxaana su’aal la iska weydiiyey sida ciyaartoydu badqab u noqon karayaan mar haddii habacsanaantan amni ay dhici karayso.
Crystal Palace ayaa dhinaceeda samaynaysa baadhitaan la xidhiidha falkan, balse waxa ay Palace rumaysan tahay in uu ninkani uu isku qarinayey halka uu ka imanayey baska ciyaartoyda Manchester United.