Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xidhiidh joogto ah la leh xiddiga kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Alphonso Davies, kaas oo kusii dhowaanaya inuu ka dego Santiago Bernabeu oo laga sugayo xagaaga foodda inagu soo haya.
Real Madrid ayaa la sheegay inay ku qancisay Alphonso Davies in uu dhabarka u jeediyo kooxdiisa oo uu iska diido heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay Bayern Munich, si uu ugu cadaadiyo in xagaaga ay ka iibiyaan Real Madrid oo ah kooxda riyadiisa ah.
Alphonso Davies oo qandaraaskiisa Bayern Munich uu ku egyahay sannadka 2024 ayaa sida ay xogtu sheegayso ku wargeliyey naadigiisa in aanu heshiiska u cusboonaysiin doonin, sidaa daraadeedna ay tahay in la iibiyo xagaaga soo socda, haddii kalena uu si xor ah uga tegi doono.
Fran Garcia iyo Ferland Mendy ayaa ah labada difaac bidix ee ay haysato Real Madrid waqtigan, waxaanA Mendy oo dhaawacyo la dhibaatoonaya uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaanay u badan tahay inuu si xor ah kaga tegi doono, halka Garcia uu qorshuhu yahay inuu noqdo dookha labaad ee ku xigaya Alphonso Davies.
Alphonso Davies oo ah 23 jir, ayaa la rumaysan yahay in Bayern Munich ay dalban doonto €70 milyan oo Euro.