Kooxda kubadda agta Manchester City ayaa si rasmi ah u magacowday kabtankeeda cusub iyadoo Kyle Walker oo inta badan xilli-ciyaareedkan ahaa kabtanka City laga wareejiyey.
Pep Guardiola ayaan hore u shaacinin kabtankiisa rasmiga ah ee masuuliyadda gudaha garoonka kala wareegay Ilkay Gundogan oo xagaagii si xor ah ugu biiray Barcelona, laakiin difaaca midig ee reer England ee Kyle Walker ayaa inta badan masuuliyaddan hayay oo xidhnaa kabtannimada.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium ee Kevin De Bruyne oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo afar bilood ah u jiifay, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka Manchester City, waxaana wixii ka dambeeya maanta uu ahaan doonaa ciyaartoyga naadiga hoggaaminaya ee masuuliyaddan qaadaya.
De Bruyne oo ku dhaawacmay ciyaartii lagu furay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan ee Burnley ayaa dib usoo laabtay toddobaadkan isaga oo kasoo doogay qalliin lagu sameeyey, waxaana uu kabtannimada kala wareegayaa Kyle Walker oo ahaa ciyaartoygii calaamaddan xidhnaa kulamadii guulaha ee UEFA Super Cup iyo Club World Cup ee ay koobabka qaadeen.
Axaddii ayuu De Bruyne kusoo laabtay garoomada oo uu beddel kusoo galay ciyaartii Huddersfield Town ay 5-0 ku garaaceen, waxaana uu caawiyey gool uu dhaliyey Jeremy Doku.
Ruben Dias ayaa ahaa kabtanka ciyaartii Huddersfield Town, laakiin markii uu garoonka soo galay De Bruyne ayuu ka hor tegay oo uu ku wareejiyey, waxaaana waxyar kaddib ay City shaacisay in uu kabtanka rasmiga ah ee kooxda yahay De Bruyne oo ay ku xigaan Ruben Dias, Rodri iyo Bernardo Silva, taas oo meesha ka saartay Kyle Walker.