Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aansatay inay la saxeexato xiddig Manchester City ah suuqa iibka ciyaartoyda ee foodda innagu soo haya, kaas oo ay doonayaan inuu u buuxiyo booska uu bannaynayo ruug-caddaaga khadka dhexe ee Luka Modric oo si xor ah uga tegaya.
Los Blancos ayaa bilaabaysa hawlgalka saxeexa laacibka Manchester City toddobaad kaddib markii ay ka reebtay tartanka Champions League oo ay kooxda tababare Pep Guardiola awoodi weyday inay difaacato.
Labada kooxood oo isku-darka labadii lugood ee wareegga siddeedda ku kala baxay barbarro 4-4 ah, ayaa waxa rikoodheyaal 4-3 ah ku badisay Real Madrid oo soo afjartay rajadii City ee ahayd inay mar kale difaacato koobkan oo ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Sida uu qoray wargeyska Daily Star ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Real Madrid ayaa waxa ay go’aansatay inay la saxeexato xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva oo qandaraaskiisa Manchester City lagu burburin karayo £50 milyan oo Gini xagaagan soo socda.
Kooxo badan oo reer Yurub ah ayaa Real Madrid ay tartan adag kala kulmi doontaa si ay u hesho Bernardo Silva, waxaana ka mid ah Barcelona oo la rumaysan yahay in laacibkani uu doonayo laakiin duruufo dhaqaale ay u diidi karayaan, Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Arsenal.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa la sheegay inuu taageere u yahay Bernardo Silva oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay labadooda kooxood iskaga hor yimaadeen tartanka Champions League oo laba jeer ay Real Madrid libinta qaadatay, halka Man City ay xilli-ciyaareedkii hore guusha heshay.
Sannadkii 2017 ayuu Bernardo Silva ku biiray Manchester City isaga oo waqtigaas horyaalka Faransiiska kula guuleystay AS Monaco, taas oo sidoo kale xilli-ciyaareedkaas timid finalka Champions League.