Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sharraxay sababta uu u qaatay go’aamo layaab ku noqday taageereyaasha kooxdaas,kaddib markii uu fadhiisiyey Mohamed Salah, Darwin Nunez, Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Ibrahima Konate iyo Curtis Jones.
Liverpool oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa la filayey inay shaxda ugu xooggan kusoo gasho kulanka adag ee ay martida u tahay Fulham, kaas oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay dhibco ahaan ula sinmaan Arsenal oo farqiga goolasha kaga horreysa.
Jurgen Klopp ayaa sameeyey khamaar weyn isaga oo ogsoon in haddii ay kooxdiisu guuleysan weydo maanta, ay si dhab ah uga quusan doonto horyaalka Premier League oo ay shan dhibcood ka dambayn doonto Manchester City iyadoo afar ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, halka Arsenal ay saddex dhibcood ka dambayn doonaan.
Booska uu ka fadhiisiyey Mohamed Salah ayaa waxa kusoo bilowday Diogo Jota oo kusoo bilowday safka weerarka kooxdiisa kaddib dhaawac uu muddo ku maqnaa iyo maalmo uu beddel kusoo galeyey, halka weerarka dhexena uu ka ciyaarayo Cody Gakpo oo uu dhinaca bidix kasii xigo Luis Diaz.
Khadka dhexe ayaa si lama filaan ah ay ugu soo wada bilowdeen Wataru Endo, Ryan Gravenberch iyo Harvey Elliott halka difaaca dhexena uu Jurgen Klopp fadhiisiyey Ibrahima Konate oo uu ku beddelay Jarell Quansah.
Jurgen Klopp oo la hadlay warbaahinta markii uu shaxdiisa soo saaray ayaa sharraxay go’aankiisa xulashada ee layaabka ku noqday taageereyaasha, waxaanu yidhi: “Saddex ciyaarood oo muhiim ah ayaanu lix maalmood gudahood ku dheelaynaa. Anigu waan necebahay in aan ka fikiro kulamada kale marka ay ciyaar nagu soo waajahan tahay, laakiin marka aad eegto xaaladda, iskama indho-tiri karayno xaqiiqada.
“Waa qasab in aanu isbeddel samayno oo aanu ciyaarsiino lugo soo nastay oo aanu ka faa’iidaysano ciyaartoydayada. Waa xaaladda ugu wanaagsan in aanu si xikamadaysan u adeegsano ciyaartoydayada sannadka oo dhan, waana sababta aanu sidan u samaynayno.
“Waanu u baahanahay ciyaartoydayada oo dhan, way kusoo bilaabanayaan ama beddel ayay ku imanayaan, xaaladduna waa sidaas oo ma garanayo wax ka muhiimsan. Waxa aanu u baahanahay in ciyaartoydayadu ay 100% taam ahaadaan 95ka daqiiqadood.”
SHAXDA LIVERPOOL EE KULANKA FULHAM: Alisson; Alexander-Arnold, Quansah, Van Dijk, Robertson; Endo, Elliott, Gravenberch; Gakpo, Jota, Diaz. Subs: Kelleher, Gomez, Konate, Szoboszlai, Nunez, Mac Allister, Salah, Jones, Tsimikas.